HomeWararDhageysiga Dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya oo galabta la soo gabo...

Dhageysiga Dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya oo galabta la soo gabo gabeeyay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dhegeysiga dacwadda baddeenna ee ay muranka gelisay Kenya ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague. Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan Maarso, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah. Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda, […]

- Advertisement -

Dhegeysiga dacwadda baddeenna ee ay muranka gelisay Kenya ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague.

Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan Maarso, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah.

- Advertisement -

Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda, inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah.

Dacwaddani waxay billaabatay sanadkii 2014-ka, waxayna soo martay marxalado kala duwan.

Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah, Waxaana la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood.

- Advertisement -

 

Latest stories