HomeWararSawirro:-Faah faahin qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Sawirro:-Faah faahin qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Duhurnimadii Maanta ayaa qarax gaari lagu xiray waxa uu ka dhacay laami yaraha Soobe ee Magalada Muqdisho,waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Gaariga oo lagu xiray miinada nooca dhajiska ayaa waxaa warar aan helnay ay sheegayaan in uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Magaciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar,balse […]

- Advertisement -

Duhurnimadii Maanta ayaa qarax gaari lagu xiray waxa uu ka dhacay laami yaraha Soobe ee Magalada Muqdisho,waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Gaariga oo lagu xiray miinada nooca dhajiska ayaa waxaa warar aan helnay ay sheegayaan in uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Magaciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar,balse uusan saarneydn xilliga uu qarxayay.

- Advertisement -

Darawalkii Gaariga ayaa qaraxaasi ku geeriyooday,waxaa sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Saddex ruux oo laba ka mid ah ay saarnaayeen Mooto Bajaaj iyo qof kale oo gaariga saarnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa tegay,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka iyo dhaawaca.

Inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ka dhaca qaraxyada gawaarida lagu xiray,waxaana shalay ay aheyd markii qarax gaarigiisa loogu xiray uu ku geeriyooday sarkaal ka tirsanaa Ciidanka booliska oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Dheere.

- Advertisement -

Latest stories