HomeWararMilliteriga iyo Boliska Kenya ee ku sugan W/bari ee dalkaasi oo khatar...

Milliteriga iyo Boliska Kenya ee ku sugan W/bari ee dalkaasi oo khatar ugu jira inay isku dhacaan

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Milliteriga dalkaasi waxay si kulul ugu eedeyeen Boliska ka hawl-gala Deegaanadda ku teedsan Xuduudka Somalia inay fudueeyaan  inay Alshabaab iyo Badeecadaha Kontorobaanka u soo gudbaan gudaha Kenya, waa sida hadalka loo dhigay. Qoraal ay Milliteriga dalkaasi u gudbiyeen Dowladda Kenya ayey ku sheegeen in inta badan Sonkorta ay ku qabteen Ganacsatadda aan sharciga ahayn ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Milliteriga dalkaasi waxay si kulul ugu eedeyeen Boliska ka hawl-gala Deegaanadda ku teedsan Xuduudka Somalia inay fudueeyaan  inay Alshabaab iyo Badeecadaha Kontorobaanka u soo gudbaan gudaha Kenya, waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraal ay Milliteriga dalkaasi u gudbiyeen Dowladda Kenya ayey ku sheegeen in inta badan Sonkorta ay ku qabteen Ganacsatadda aan sharciga ahayn ay yihiin kuwo gacan-saar la leh  Dagaalamayaasha Alashabaab, waxaa sidaa lagu soo daabacay Shabakadda wararka ee Tuko ee laga leeyahay Kenya.

- Advertisement -

Shabakadda Tuko.co.ke ayaa sheegtay inay arkeen Dacwadda Eedeymaha ee ay Milliteriga Kenya bishan Feberaayo 1-dii u direen  Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Taliyaha Boliska iyo Dacwad-oogaha dalkaasi oo ay ku sheegeen inay Boliska dhiiri-gelinayaan sidii Ganacsiga Kontorobaanka loogu soo gudbin lahaa gudaha Kenya.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Boliska Saldhigga Deegaanka Habaas-weyne ay gaadiidka Dowladda u adeegsadaan inay ku soo daabulaan Badeecadaha Kontorobaanka ka soo gudba dhinaca Somalia, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Koox ka tirsan Milliteriga Kenya oo ka yimid Xeradda Milliteri ee Deegaanka Dadajabula ee Degmadda Wajeer ayaa sheegay in laga hor-joogsaday inay baaraan Bakhaaro, si ay u baaraan Badeecado Kontorobaan oo la la’aa.

- Advertisement -

Qoraalka Milliteriga Kenya u direen Dowladda dalkaasi waxay ku sheegeen inay dareemayaan Niyad-jab, isla markaana haddii aan cabashadooda wax laga qabanin ay  wax u dhimi doonto Hawlgalka ay kula dagaalamayaan Alshabaabka inta badan weeraradda ka fuliya gudaha Kenya.

Milliteriga iyo Boliska Kenya ee ku wada sugan Deegaanadda ku teedsan Xuduudka Somalia  waxay khatar ugu jiraan inay isku dhacaan, sida ay ka digeen Milliteriga dalkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts