HomeMaqalWareysi:-Wasiirka Gaadiidka oo beeniyay wararka sheegayay in la xiray

Wareysi:-Wasiirka Gaadiidka oo beeniyay wararka sheegayay in la xiray

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warar lagu daabacay baraha internet-ka Saacadihii la soo dhaafay ayaa  sheegayay in Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) xilli uu ku sunaa Xafiiskiisa lagala soo baxay,isla markaana la xiray. Hayeeshee Wasiir ka oo Goordhow wareysi siiyay Idaacadda Dalsan  ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid  aan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar lagu daabacay baraha internet-ka Saacadihii la soo dhaafay ayaa  sheegayay in Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) xilli uu ku sunaa Xafiiskiisa lagala soo baxay,isla markaana la xiray.

Hayeeshee Wasiir ka oo Goordhow wareysi siiyay Idaacadda Dalsan  ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid  aan waxba ka jirin.

- Advertisement -

“Runtii aniga maanta iskadaayee xataa waligeey intaa dhashay leyma xirin,waana riwaayad si fiican loo jilay oo aan arkayay qoraalo dad lacago looga qaatay oo leygaga been sheegayay ayuu yiri wasiir Oomaar.

Saakay 8: 00 Subaxnimo ayuu sheegay in uu soo galay Goobtiisa Shaqada,isla markaan weli uu ku sugan yahay Xafiiskiisa  ee uu Shaqadiisa wato.

Warbaahinta ayuu sheegay in looga baahan yahay inay iska hubiyaan Wararka ay baahinayaan,sidoo kalena isaga aysan jirin xilligaan cid soo dacweysatay oo heysata.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa wax ka weeydiinay Warar maalmihii la soo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafinayay ee ah in uu lacago lunsaday,waxana uu sheegay in qoraaladaas ay ahaayene kuwo la sameeyay Sanadkii 2014kii xilligaasna uusan isaga wasiir aheyn.

Hoos Ka Dhageyso Codka wasiirka Gaadiidka iyo duulsta Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts