HomeWararSawirro:-Guddoomiye Yariisow “Waa in wadajir loogu istaagaa horumarinta Caasimadda”

Sawirro:-Guddoomiye Yariisow “Waa in wadajir loogu istaagaa horumarinta Caasimadda”

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad looga hadlayay daadajinta adeegyada bulshada oo ka dhacday Degmada Dharkiinleey ayuu ku dhiirigeliyey Maamullada Degmooyinka in ay dar-dargeliyaan fulinta adeegyada bulshada. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo Caasimadda, iyadoo bulshada Isxilqaameyso […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad looga hadlayay daadajinta adeegyada bulshada oo ka dhacday Degmada Dharkiinleey ayuu ku dhiirigeliyey Maamullada Degmooyinka in ay dar-dargeliyaan fulinta adeegyada bulshada.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo Caasimadda, iyadoo bulshada Isxilqaameyso loo istaagaan dib-u-dhiska magaalada. Isagoo sidoo kale ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan la shaqeynta hay’adaha amniga si looga guuleysto cadowga mar walba u taagan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxuu sheegay in meel wanaagsan uu marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo uu ku baaqay, isla markaana ay socdaan dhismaha xarumo muhiim ah oo lagu dhisayo barnaamijkan, iyadoo uu garab socdo qorsheyaal kale oo Caasimadda lagu dhisayo, bulshadana loogu jaheynayo tubta horumarka.

“Maamulka iyo shacabka degmooyinku waa in ay u istaagaan horumarinta degmadooda iyagoo wadajira, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga, qof walba masuuliyad ayaa saaran taasoo laga rabo inuu guto kana soo baxo kaalinta uga aadan dib-u-dhiska degmadiisa”.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in dariseyntu ay tahay tiir muhiim u ah isdhexgalka bulshada, si ay u yeeshaan hal hadaf oo mideysan oo ku wajahan dib-u-dhiska iyo iskaashigooda.

- Advertisement -

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka, qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Saraakiil ka socotay Booliska iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts