HomeWararDowladda Somalia oo cambaareysay falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa

Dowladda Somalia oo cambaareysay falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle iyo  Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Aadan Isaaq ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo maanta dhaawac uu ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa. Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa falkaasi ku tilmaamay mid waxuushnimmo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle iyo  Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Aadan Isaaq ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo maanta dhaawac uu ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa falkaasi ku tilmaamay mid waxuushnimmo ah oo ujeedka laga lahaa ay aheyd in dadka indhaha u ah Shacabka Soomaaliyeed lagu waxyeeleeyo, waxayna Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo hadda lagu dabiibaya Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ay ALLE ay uga baryeen in uu si dhaqsa ah u bogsiiyo.

- Advertisement -

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isna dhankiisa Cambaareeyey dhaawaca soo gaaray Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa, isaggoo EEBBE uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

“Waxaan EEBBE uga baryayaa suxufi Ismail Sheikh Khalifa inuu  caafimaad degdeg ah siiyo, waxaana cambaareynayaa falka miinada loogu xirey gaarigiisa, Aan u soo duceyno saaxiibkeen qaaliga ah Ismail oo bahda warbaahinta kaalin firfircoon ka qaata”ayuu ku yiri Goddoomoyaha Gobolka Banaadir oo Qoraalkan soo dhigay Bartiisa Facbook-ga.

Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa kamid ah Wariyeyaasha ugu firfircoon ee ka howlgala magaaladda Muqdisho, isaggoo horay usoo noqday Agaasimihii idaacadda Star Fm.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts