HomeWararSawirro:-Al-Shabaab isku ekeysiiyay Ciidamada dowladda oo la xukumay

Sawirro:-Al-Shabaab isku ekeysiiyay Ciidamada dowladda oo la xukumay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan wuxuu Alshabaab Kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013. Waxa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose . Waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in uu taba-bar ku qaatay muddo Afar bilood ah qoryaha AK, BKM iyo RBG oo lagu baray xero  […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan wuxuu Alshabaab Kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013.

Waxa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose .

- Advertisement -

Waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in uu taba-bar ku qaatay muddo Afar bilood ah qoryaha AK, BKM iyo RBG oo lagu baray xero  ay ula baxeen Cuteybah.

Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim ayaa  codsaday kamid ahaanshiyaha qeyb ay ugu yeeraan Amniyaadka kuwaasi oo loogu tala galay in ay gaadmo ku dilaan dadka indhaha u ah bulshada, waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka aqbaleen sidaasna loogu qaaday taba-bar lagu baranayo dilka gaadmada ah deegaanka Kuunya-barow.

Waxa uu  raaciyay  in uu qorsheynayay in uu dilo Askari katirsan ciidamada, isaga oo qorshihiisa wata oo aysan u suura gelin xaqiijinta qofka uu raadinayay ayay ciidmada amniga ka qabteen Isgoyska Shaqaalaha ee gobalka Banaadir  20-may 2018.

- Advertisement -

Sababta uu u doortay amniyaadka ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka.

12-11  ee sanadkan ayay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad qaadista eedeysanayaal Cali Aadan Cabduulaahi, C/casiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaai Subeyr Cumar iyo Cabaas Idriis Sheikh Cali.

Maxkamadda ayaa aqbashay 20-11 ee sanadkan in la qaado kiiska ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka  gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku  kala xukuntay

1-       Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay

a-       Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali

b-       Cabdullaahi Subeyr cumar iyo

C-    cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah  , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale  uu ku dalban karo Rafcaan hadii  uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts