HomeMaqalSawirro:-Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir oo amar la dul-dhigay

Sawirro:-Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir oo amar la dul-dhigay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey shirkii Caasimadaha dalalka Islaamka ee uu kaga soo qeyb galay dalka Jabuuti, waxa uuna tilmaamay sida ay madaxdii uu kula kulmay shirkaas u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey shirkii Caasimadaha dalalka Islaamka ee uu kaga soo qeyb galay dalka Jabuuti, waxa uuna tilmaamay sida ay madaxdii uu kula kulmay shirkaas u boggaadiyeen dib-u-soo kabashada Caasimadda Muqdisho.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in uu kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, isagoo uga mahadceliyey soo dhaweynta walaaltinimo, isla markaana ku Casuumay Caasimadda ee dalka Muqdisho.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey mira dhalka qorshaha daadajinta Olalaha Nadaafadda oo si tijaabo ah looga fuliyey degmooyinka Shibis, Hodon iyo Waaberi ee guulaha dhinaca nadaafadda laga soo hooyey, iyadoona la isla qaatay in saddex degmo oo kale la gaarsiiyo qorshahan, si degmooyinka Gobolka Banaadir ay u gaaraan isku filaansho dhanka faya dhawrka ah.

- Advertisement -

Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku bogaadiyey bulshada kaalinta ay ka qaadanayaan nadaafadda iyo ilaalinta bilicda Caasimadda, iyadoona Guddoomiyeyaasha degmooyinka la faray in ay si adag uga hortagaan dadka goobaha ganacsiga iyo guryaha deegaanka leh ee waxyeeleeya faya dhawrka iyo naadafadda, isla markaana ganaax adag la dul-dhigo dadka iska leh goobaha aysan nadaafaddoodu hagaagsanayn.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts