HomeWararMaydadka gabdho Sacuudiyaan ah oo laga helay Webiga Hudsan ee New York

Maydadka gabdho Sacuudiyaan ah oo laga helay Webiga Hudsan ee New York

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Qunsulliyada Sacuudiga ee magaalladdaasi ayaa lagu sheegay inay socdaan Baaritaan lagu ogaanayo sababta ay u geeriyoodeen labadaa gabdhood oo walaalo ah, oo iyagoo isku xiran laga helay jiinka Webiga Hudsan River ee magaalladda New York.

Labada gabdhood oo maydadkooda la helay Arbacadii la soo dhaafay waxaa lagu kala magacaabo jirey Rotana Farea oo 22-jir ahayd iyo Talada Fares oo 16-jir ahayd.

- Advertisement -

Barta Twitter-ka ee Qunsulliyada Sacuudiga ee magaallada New York ayaa la soo dhigay inay Ciiddanka Deegaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka iyo Safaaradda Sacuudiga ee magaallada Washington ayaa iska kaashanayo baaritaanka maydadka ee gabdhahaasi.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Waaxda Boliska New York (NYPD) inay gabdhahaasi iska tuureen Buundada dul Marta Webiga Hudsan.

Sarkaal lagu magacaabo Paul Ng ayaa sheegay in maydadkaasi laga helay Jiinka Webiga iyagoo isaga xirnaa cirbaha iyo dhexda.

- Advertisement -

Hooyada dhashay gabdhahaasi ayaa aqoonsatay muuqaalka sawir-gacmeedka gabdhaheeda oo ay Waaxda Boliska NY soo bandhigeen.

Xigasho: NYT, Arab News iyo Aljazeera TV.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin

Latest stories