HomeMaqalDhageyso:-Maxaa keenay Go’aanka ay qaateen labada Madaxweyne ku xigeen? (Warbixin)

Dhageyso:-Maxaa keenay Go’aanka ay qaateen labada Madaxweyne ku xigeen? (Warbixin)

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Kadib markii shalay Madaxda Dowlad Goboleedyada eek u shiray Magalada Kismaayo ay sheegeen inay xiriirkii u jareen Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa durba waxaa Go’aankaas ka jawaabay qaar ka mid ah Madaxweyne ku xigeenada laba ka mid ah Dowlad Goboeledyada.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Xumar Cameey ayaa sheegay in Go’aanka ay xiriirka ugu jareen Dowladda Dowlad Goboleedyada uu yahay mid ay ku deg degeen,isla markaana Go’ankaas uusan isaga la qabin.

- Advertisement -

Waxaa la weeydiiyey Su’aal aheyd in Madaxda kale ee Puntland uu kala tashaday,waxana uu sheegay in aysan jirin cid uu kala tashaday,isla markaana xilligaan uu ka soo horjeedo in dowladda Soomaaliya ay Madaxda Maamul goboleedyada xiriirka u jaraan.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo la hadlay Dalsan ayaa isna waxa uu sheegay in waqtigaan aan la joogin xilligii dowladda Soomaaliya xiriirka loo jari lahaa,sila markaana Madaxdii ku shirtay Kismaayo ay Go’aankaas klu deg degeen.

Sidoo kale waxa uu ka soo horjeestay qodobada qaar oo ku jiray Warmurtiyeedka ka soo baxay Madaxda Dowlad Goboleedyada oo uu sheegay inay uga hadleen Arrimaha Galmudug iyo khilaafka u dhaxeeya Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codadka labada Madaxweyne ku xigeen.

Latest stories