HomeWararMadaxweyne Mustafe Cumar oo Amar siiyey Ciidamada Liyuu Boolis

Madaxweyne Mustafe Cumar oo Amar siiyey Ciidamada Liyuu Boolis

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa Ciidammada Liyu booliska ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha marka ay gudanayaan howlaha loo igmaday. Madaxweynaha ayaa ciidammada Liyu booliska iyo ciidammada booliska caadiga kula dardaarmay inay dhowraan sharciga dalka islamarkaasna ay ka shaqeeyaan danaha shacabka. ” Waa in aad fulisaan dardaarankeeni ahaa in xuquuqda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa Ciidammada Liyu booliska ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha marka ay gudanayaan howlaha loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ciidammada Liyu booliska iyo ciidammada booliska caadiga kula dardaarmay inay dhowraan sharciga dalka islamarkaasna ay ka shaqeeyaan danaha shacabka.

- Advertisement -

” Waa in aad fulisaan dardaarankeeni ahaa in xuquuqda insaanka la ilaaliyo, oo wixii hore aad qabanayseen ee shaqooyin ahaa ee faraha badnaa aad ku dartaan in dadkii aad ka dhalteen ee aad u dhalteen iyagana aad ka farxisaan darajooyin iyo abaal gudyo baad heli doontaan” ayuu madaxweyne Mustafe Cumar oo la hadlayay ciidammada booliska.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ciidammada inay iska ilaaliyaan tallaabo kasto oo xadgudub u horseedi karto shacabka ayna ku dadaalaan anshaxa iyo dhaqan wanaaga marka ay howshooda gudanayaan.

Mustafe Cumar ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kala amar qaadasha ciidammada dhexdooda.

- Advertisement -

Wuxuu yiri “Hadday noqoto qaabka amar qaadashada qaabka loo wada shaqaynayo loo xiriiriya waxyaabo sharciga qoraya ayaa jiraa kuwaa aan raacno, uma baahnin wixii cusub, wixii qoran ee meel ku yaalla ayaan raacaynaa”

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in tabbabarkii ay qaateen ciidammada booliska iyo Liyu booliska ay wax ka baddali doonto noloshooda iyo qaabka ay u howlgalaan.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa hadalkan sheegay xillii xalay uu hoggaaminayay munaasabad lagu dalacsiinayay qaar kamid ah taliyeyaasha cusub ee ugu sarreysa ciidammada Liyu booliska.

Tabbabarada loo soo gabagabeeyay ciidammada Liyu booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayay mas’uuliyiintu sheegeen in looga golleeyahay in ciidammada ay la jaan qaadaan isbaddallada ka socda dalka Itoobiya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts