HomeWararSawirro:-Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Xarunta Dabdamiska D/Wadajir

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Xarunta Dabdamiska D/Wadajir

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo maanta dhagax dhigay xarunta Gurmadka Deg-dega ah iyo Dabdamiska Degmada Wadajir ayaa sheegay in guud ahaan degmooyinka Caasimadda laga hirgelin doonno Xarumaha Dabdamiska, si bulshada loogu dhaweeyo adeegyada dawladnimada. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in iyadoo ahmiyadda la saarayo sidii bulshada caasimaddu u heli […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo maanta dhagax dhigay xarunta Gurmadka Deg-dega ah iyo Dabdamiska Degmada Wadajir ayaa sheegay in guud ahaan degmooyinka Caasimadda laga hirgelin doonno Xarumaha Dabdamiska, si bulshada loogu dhaweeyo adeegyada dawladnimada.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in iyadoo ahmiyadda la saarayo sidii bulshada caasimaddu u heli lahayd adeegga gurmadka deg-deg ah la bilaabay mashruuc xarumo gurmad degdeg ah looga dhisayo degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

- Advertisement -

“Xarunta Dabdamiska Degmada Wadajir oo galabta xariga ka jarnay, waxay u adeeggi doontaa bulshada deegaanka, waana qeyb kamid ah qorshaha maamulku uu ku doonayo in shacabka loogu dhaweeyo adeegyada dawladnimada”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Mudane Eng. Yarisow ayaa sheegay ka sakow dhagax-dhigga iyo dhismaha xarumahan in ay barbar socdaan tababaro lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadooda, si looga baaqsado khasaarihii faraha badnaa ee ka dhalan jiray goobaha uu dabku ka kaco.

Xafiisyada gurmadka deg-dega ah ee la geeyey qaar kamid ah Degmooyinka Caasimadda, ayaa qeyb ka ah qorshaha fog ee maamulku uu ku doonayo in dib Caasimadda loogu soo celiyo guud ahaan adeegyadii bulshada.

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts