HomeWararSawirro:-Qodobo kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya

Sawirro:-Qodobo kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta. “Shirka Golaha wasiirada waxaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta.

“Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, C/Raxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiira.

- Advertisement -

Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system.

Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah.

- Advertisement -

Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda”

Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts