HomeWararGuddoonka Sare ee Aqalka Sare ee Barlamaanka oo la soo wada doortay.

Guddoonka Sare ee Aqalka Sare ee Barlamaanka oo la soo wada doortay.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Doorashadii Guddoonka Sare ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka Somalia ayaa maanta lagu kala baxay, kadib, markii la wada doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare iy Labadiisa Ku-xigeen. Xilka Guddoomiyaha waxaa ku loolamay Xildhibaan Cabdi C/lalahi Xaashi iyo Xildhibaan Mustafa Maxamed Qodax, waxayna Labada Murashax yihiin xubno miisaan ku leh Siyaasadda. Xildhibaan Cabdi Xaashi waxa uu ahaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Doorashadii Guddoonka Sare ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka Somalia ayaa maanta lagu kala baxay, kadib, markii la wada doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare iy Labadiisa Ku-xigeen.

- Advertisement -

Xilka Guddoomiyaha waxaa ku loolamay Xildhibaan Cabdi C/lalahi Xaashi iyo Xildhibaan Mustafa Maxamed Qodax, waxayna Labada Murashax yihiin xubno miisaan ku leh Siyaasadda.

Xildhibaan Cabdi Xaashi waxa uu ahaa Guddoomiyihii Guddiga Warfaafinta ee Barlamaankii Federalka ee 9-aad, wuxuuna xmar soo noqday ahaan Maareeyihii Golaha Murtida iyo Madadaaladda “National Theater”-ka ee Muqdisho.

- Advertisement -

Sidoo kale, Mustafa Maxamed Qoddax waxa uu ahaa Xoghayihii Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Labada Murashax oo u muuqda Siyaasiyiin Aftahan ah waxay  shalay Khudbado ka jeediyeen Aqalka Sare oo uu mid kasta ku soo bandhigay Ajende Hawleedkiisa haddii loo doorto Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka.

Loolankaasi waxaa ku guuleystay Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo helay 43-cod, halka Xildhibaan Mustafa M.Qodax helay 9-Cod, waxaana sidaasi jagada Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS loo cimaamaday Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi.

Sidoo kale, Xilka G/Xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare waxaa ku soo baxay Abshir Maxamed Maxamuud “Bukhaari” oo  si dirqi ah kaga guuleystay Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow “Dheg-dheer” oo helay 22-cod.

G/xigeenkii 2-aad ee Aqalka Sare ee BFS waxaa ku tartamay Xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad iyo Xildhibaan C/kaafi Macallim Xasan, waxaana ku soo baxay Mowliid Xuseen Guhaad oo helay 28-cod, halka Murashaxa kale helay 24-cod.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts