HomeWararMadaxweynaha la-doortay ee Maraykanka oo sheegay inuu dalka Raashiya ka qaadi doono...

Madaxweynaha la-doortay ee Maraykanka oo sheegay inuu dalka Raashiya ka qaadi doono Cunaqabataynta.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Donald Trump ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Times of London, wuxuuna qaadista xayiraadaasi shuruud uga dhigo inay Dowladda Raashiya marka hore oggolaato inay dib ugu soo laabato Wada-xaajoodkii dhimista Hubka Nukiyeerka. Maraykanka waxay Raashiya ku soo rogeen Cunaqabataynta, kadib, markii ay Ciiddanka Raashiya qabsadeen Gobalka Keremiya ee dalka Yukrayn. Trump oo […]

- Advertisement -

Donald Trump ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Times of London, wuxuuna qaadista xayiraadaasi shuruud uga dhigo inay Dowladda Raashiya marka hore oggolaato inay dib ugu soo laabato Wada-xaajoodkii dhimista Hubka Nukiyeerka.

Maraykanka waxay Raashiya ku soo rogeen Cunaqabataynta, kadib, markii ay Ciiddanka Raashiya qabsadeen Gobalka Keremiya ee dalka Yukrayn.

- Advertisement -

Trump oo Jimcaha soo socoto la wareegi doona xilka Madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka ayaa tilmaamay inuu kor u qaadayo mudnaanta weyn ee xakamaynta Hubka Nukliyeerka, tan iyo markii ay Maraykanka iyo Raashiya ku kala boodeen Heshiiska cusub ee lagu yareynayo Hubka Istaraatijiyada leh.

Wareysiga uu Donald Trump siiyey Wargeyska The Times of London waxa kaloo uu si kulul u naqdiyey Siyaasadda Maraykanka ee haatan, isagoo sheegay in Qabsashadii Iraq ahayd Qabrigii qaladka ee ugu weynaa Taariikhda Maraykanka in dhagxaan lagu tuuro Hoy Shinni leedahay.

Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku naqdiyey Tallaabadda ay Dowladda Raashiya ku faragelisay Dagaalka sokeeye ee dalka Syria, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo aad u qaldan oo horseeday sii-xumaynta Xaalladda Aadminimo ee dalkaasi.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories