HomeWarar(SAWIRO): 37-qof oo ku geeriyootay Diyaarad Turkish oo ku burburtay dalka Kyrgyzstan.

(SAWIRO): 37-qof oo ku geeriyootay Diyaarad Turkish oo ku burburtay dalka Kyrgyzstan.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Diyaarad Xamuul oo ay Turkish Air leedahay ayaa Oogtii hore ee saakayto ku burburtay Tuulo ku dhow magaalladda Manas oo 25-KM dhaanka Waqooyi kaga toosan Caasimadda dalka Kyrgyzstan ee Bishkek. Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 747  ayaa la sheegay  inay doonaysay inay caga dhigto Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalkaasi, Xilli ay ceeryaamo xooggan jirtay. Hadal […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Diyaarad Xamuul oo ay Turkish Air leedahay ayaa Oogtii hore ee saakayto ku burburtay Tuulo ku dhow magaalladda Manas oo 25-KM dhaanka Waqooyi kaga toosan Caasimadda dalka Kyrgyzstan ee Bishkek.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 747  ayaa la sheegay  inay doonaysay inay caga dhigto Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalkaasi, Xilli ay ceeryaamo xooggan jirtay.

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Kyrgyzstan aya lagu sheegay inay Duuliyihii, Kaaliyahiisa iyo 2 ka tirsan Shaqaalaha Diyaaradda ku geeriyoodeen Shilkaasi.

Inta badan dadka geeriyooday ayaa ahaa dad deganaa goobta ay Diyaaraddu ku dhacday, sida ay sheegeen Saraakiisha dalkaasi.

Diyaaradda burburtay ayaa la sheegay in ay waxyeelo gaarsiiyey 15 Dhismo oo ku yaalla Tuulladda  ay ku dhacday.

- Advertisement -

Madaxa Xarunta Maareynta Masiibooyinka ee dalkaasi, Mukhamed Svarov ayaa sheegay inay ugu yaraan 32-qof ku geeriyootay shilkaasi, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegay inay dhimashadu tahay 15-qof.

Tirada Rasmiga ee dhimashadda oo goor dhow la shaaciyey ayaa ah 37-qof oo 6 ka mid carruur yihiin.

Inta badan dadka geeriyooday ayaa ahaa dad hurdayey, maarkii ay Diyaaradda ku habsatay Guryahooda.

Diyaaradda burburtay ayaa la sheegay inay ka timid Jesiiradda Hong Kong, waxayna ku sii jeeday magaalladda Istanbul, iyadoo Transit ku ahayd dalka Kyrgyzstan.

Sida laga soo xigtay Shabakadda Flightradar24 waxaa Diyaaradaasi lahayd Shirkadda MyCargo Airlines, oo ah Diyaarado Xamuul oo fadhigooda dhexe ku yaallo Istanbul.

Warbaahinta Maxaliga ee dalka Kyrgyzstan ayaa sheegay inay Diyaarada lahayd  Shirkadda Turkish Airlines, iyadoo uu Tirsiga Duulimaadkaasi (Flight Number)-ka ahaa TK6491.

image 0

image 0

image 0

image 0

image 0

image 0

image 0

image 0

©Radio Dalsan

Latest stories