HomeWararQM iyo Uganda oo ka wada hadlay Qorshaha Ammaanka ee Xilliga Kala-guurka...

QM iyo Uganda oo ka wada hadlay Qorshaha Ammaanka ee Xilliga Kala-guurka Siyaasadda ee Somalia.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating iyo Taliyaha Ciiddanka Uganda, General Edward Katumba Wamala waxay Kulan Khaas ah ku yeesheen magaalladda Muqdisho, kaasi oo ay kaga hadleen Ammaanka Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo Kala-guurka Siyaasadda Somalia iyo Sugidda Ammaanka ee xilliga Doorashadda Somalia. Muddadii uu socday Kulankaasi, waxaa Warbixin laga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating iyo Taliyaha Ciiddanka Uganda, General Edward Katumba Wamala waxay Kulan Khaas ah ku yeesheen magaalladda Muqdisho, kaasi oo ay kaga hadleen Ammaanka Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo Kala-guurka Siyaasadda Somalia iyo Sugidda Ammaanka ee xilliga Doorashadda Somalia.

Muddadii uu socday Kulankaasi, waxaa Warbixin laga dhegeystay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Lydia Wanyoto, waxayna ka hadashay heerka ugu maray Nidaamka Doorashadda ee haatan ka socoto Somalia iyo Qorshaha Ammaanka  iyo sidii loo hubin lahaa in si wanaagsan Xilliga Kala-guurka loogu kala wareego Talada Dalka Somalia.

- Advertisement -

Waxay intaasi ku dartay inay taageero ka geysanayaan sidii loo hubin lahaa arrimahaasi, waxayna hoosta ka xariiqday inay Xafiisyadooda furan yihiin 24-ka saacadood ee Toddobaad kasta.

Taliyaha Guud ee Hawlgalka AMISOM, General Osman Noor Subagleh oo isagana ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay inay socdaan Hawlaha Iskaashiga ee lagu xaqiijinayo Xaalladda Ammaanka ee Somalia.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Uganda, General Edward Katumba Wamala ayaa isagana ka hadlay Kulankaasi, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay inayu Hoggaamiyayaasha Somalia dardar geliyaan Isbedel lagu sameeyo Waaxda Ammaanka iyo Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka Somalia.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu xusay in loo baahan yahay in la hubiyo in mudnaanta Koowaad la siiyo Dhismaha Ammaanka, iyado oIsbedelka Waaxda Ammaanka ee Somalia muhiim u tahay sidii loo xoojin lahaa Awoodda Ciiddanka Qaranka Somalia  kula wareegi karaan Hawlaha Ammaanka ee Somalia marka ay Ciiddanka AMIOM bilaabaan inay ka baxaan Somalia sannadka soo socda ee 2018-ka.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts