HomeWararNin Somali oo lagu soo oogay dhac iyo gaadiid uu ku burburiyey...

Nin Somali oo lagu soo oogay dhac iyo gaadiid uu ku burburiyey Jesiiradda Malta.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

C/majiid Nuur Ismaaciil oo 19-jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Malta, iyadoo lagu soo oogay inuu bishan Janaayo 1-dii  xaday Mobayl noociisu yahay Apple iPhone 7  iyo inuu burburiyey dhowr gaari oo yaallay Barxad la dhigto Gaadiidka. Eedeysanaha oo deggan Degmadda Marsascala waxaa kaloo lagu soo oogay inuu gaarigiisa yar oo noociisu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

C/majiid Nuur Ismaaciil oo 19-jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Malta, iyadoo lagu soo oogay inuu bishan Janaayo 1-dii  xaday Mobayl noociisu yahay Apple iPhone 7  iyo inuu burburiyey dhowr gaari oo yaallay Barxad la dhigto Gaadiidka.

Eedeysanaha oo deggan Degmadda Marsascala waxaa kaloo lagu soo oogay inuu gaarigiisa yar oo noociisu yahay Ford Escort ku dhuftay dhowr gaari, xilli uu marayey Waddada Naxxor ee degaanka San Gwann.

- Advertisement -

C/majiid Nuur Ismaaciil  oo ah Qaxooti diiwaan-gashan, lehna Baasboor iyo Warqadda Aqoonsiga ee Malta ayaa Maxkamadda ka hor sheegay inuusan gelin Dembiyadda lagu soo oogin, isla markaana uusan garan Karin shilka uu galay iyo Mobayl loo haysto inuu soo dhacay.

Maxkamadda oo uu guddoominayey Garsoore Antonio Micallef ayaa amray in Eedeysanaha laga qaado Tijaabo dhinaca Neefta, si loo ogaado inuu sarqaansan yahay iyo in kale, waxaana la caddeeyey inuusan sarqaansanayn.

Dhinaca kale, Garsooraha waxa uu diiday in Eedeysanaha lagu sii daayo damiin Lacageed, balse waxa uu amray inuu Eedeysanaha isbuuc kasta labo jeer saxiixo Buugga Damiinta ee yaalla Saldhigga Boliska ee Zabbar ee Jesiiradda Malta.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts