HomeWararMadaxweynaha oo ku baaqay in loo gurmado dadka abaarahu saameeyeen

Madaxweynaha oo ku baaqay in loo gurmado dadka abaarahu saameeyeen

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Muqdisho 11 December 2016 – Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq ka soo saaray abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ka dib kulan uu la qaatay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya , Guddiga Maareynta Musiibooyinka iyo Guddiga Ka hortaga Abaaraha Qaranka. Guddoomiyeyaasha Guddiyadda Maareeynta Musiibooyinka iyo Ka hortaga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho 11 December 2016 – Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq ka soo saaray abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ka dib kulan uu la qaatay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya , Guddiga Maareynta Musiibooyinka iyo Guddiga Ka hortaga Abaaraha Qaranka.

Guddoomiyeyaasha Guddiyadda Maareeynta Musiibooyinka iyo Ka hortaga Abaaraha Qaranka ayaa marka hore madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladahii ugu dambeeyey ee dadka iyo duunyada degaanadda abaaraha ay ka jiraan iyo kaalmooyinka ilaa hadda la gaarsiiyey.

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka gobollada abaaraha ay ku dhufteen islamarkaana ugu baaqay Culumaa’udiinka, Ururada Dhallinyarada, Ururada Haweenka iyo dhammaan ururada Bulshadda Rayidka ah inay billaabaan dhaqaalo ururin si gurmad loogu fidiyo gobollada abaaraha ay ka jiraan gaar ahaan gobollada Woqooyi, Bartahama iyo qeyb ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Saxaafada Soomaaliyeed inay qabtaan barnaamijyo wacyigelin ah oo bulshada looga dalbanayo inay isu gurmadaan si uu qof walba u helo fursad uu ku caawin karo walalaha abaaraha ay saameeyeen. Madaxweynaha ayaa kaga mahad-celiyey saxaafadda Soomaaliyeed sida ay u tabiso wararka ku saabsan abaaraha dalka ka jira si umadda Soomaaliyeed ay dhexdood iskugu gurmadaan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah inay gargaar deg deg ah la gaaraan gobollada abaaraha ay ka jiraan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts