HomeWararHaweeney Somali sheegatay inay ka tirsan tahay Ciiddanka Taraafikada ee dalka Qatar...

Haweeney Somali sheegatay inay ka tirsan tahay Ciiddanka Taraafikada ee dalka Qatar oo la xukumay.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Maxkamadda Dembiyadda ee ku taalla caasimadda dalka Qatar ee Dooxa ayaa la soo taagay Haweeney Somali ah, taasi oo la sheegay inay Lacag ka qaadatay Taksiile, iyadoo sheegatay inay tahay Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Ilaalinta Waddooyinka ee Taraafikada. Jaraa’idka Ara’yi iyo Gulf News ee ka soo baxa Dooxa  ayaa maanta qoray Dhacdadan, iyadoo Haweeneyda Soomaalida […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Dembiyadda ee ku taalla caasimadda dalka Qatar ee Dooxa ayaa la soo taagay Haweeney Somali ah, taasi oo la sheegay inay Lacag ka qaadatay Taksiile, iyadoo sheegatay inay tahay Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Ilaalinta Waddooyinka ee Taraafikada.

Jaraa’idka Ara’yi iyo Gulf News ee ka soo baxa Dooxa  ayaa maanta qoray Dhacdadan, iyadoo Haweeneyda Soomaalida lagu xukumay Xabsi Hal sanno ah iyo in loo soo masaafurin doono Somalia marka ay dhamaysato Xukunkeeda.

- Advertisement -

Haweeneydaasi oo aan Saxaafadda loo soo bandhigin magaceeda iyo da’deeda ayaa lagu helay inay Taksiile ku joojisay Deegaanka Al-sacad ee magaalladda Dooxa, iyadoo Dareewalka moodayey inay doonayso in horey loo sii qaado.

Haweeneyda marki iay Taksiga raacday ayey Dareewalkii isugu sheegtay inay Sarkaal Bolis oo ka shaqeeya Waaxda Taraafikadda ee Madiinat Khalifa Traffic department.

Waxay Dareewalkii ka codsatay inuu tusiyo Waraaqihiisa Aqoonsiga iyo Laysinka iyo Diiwaan-gelinta Gaariga, balse waxa uu tusiyey Kaarkiisa Aqoonsiga, wuxuuna u sheegay in Dukumentiyada kale ay yaallaan Xafiiska Shirkadda Taksiga.

- Advertisement -

Dhacdadan oo aan ka soo xiganay Jaraa’idka Ara’yi iyo Gulf News waxaa lagu sheegay inay Haweeneyda ka codsatay Taksiilaha inuu toos u abaaro Waaxda Taraafikadda ee Al-rayaam, waxayna markii ay halkaasi tageen ka codsatay lacag dhan 6,000 oo Riyaalka Qatar, wuxuuse u sheegay inuu haysanin Kharajkaasi badan.

Waxay ka qaadatay Lacagtii uu hayey oo dhamayd 400 Riyaalka Qatar, kadibna waxay ka codsatay inuu u kaxeeyo Deegaan kale.

Boliska ayuu Dareewalkii ku wargeliyey arrintaasi, waxaana muddo kooban kadib lagu guuleystay in la soo qabto Haweeneydii Soomaalida, taasi oo qiratay Dembiga lagu soo oogay, oo ay ku muteysatay Xabsi Hal sanno iyo in loo soo tarxiilo Somalia.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts