HomeWararAmbassaor Michael Keating:  “Haddii la helo 194  Xildhibaan, waxaa la dooran doonaa...

Ambassaor Michael Keating:  “Haddii la helo 194  Xildhibaan, waxaa la dooran doonaa Afhayeenka Barlamaanka Federalka Somalia”.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Qaranka Soomaaliteed ee SONNA, wuxuuna sheegay inuu dhowr jeer oo hore isbedelay Xilliga Doorashadda Somalia. Mar wax laga weydiiyey inay Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ku dhici doonto Xilligeeda  , waxa uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Qaranka Soomaaliteed ee SONNA, wuxuuna sheegay inuu dhowr jeer oo hore isbedelay Xilliga Doorashadda Somalia.

Mar wax laga weydiiyey inay Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ku dhici doonto Xilligeeda  , waxa uu carrabka ku hduftay inuu waqtigu isbedelayo.

- Advertisement -

“Waqtiga wuu is-bedelayaa, horey, wuxuu u ahaa bilihii August, September, October iyo November, waxaana leeyahay xilliga la mudeystay Somalia ma ahan kan Switzerland oo kale” ayuu yiri Ambassador Keating.

Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay, kuna celceliyey inuu rajo ka qabo inay dhici doonto doorashadda Somalia.

Wareysiga uu siiyey Wakaalladda Wararka SONNA waxa uu Mas’uulkaasi  ku sheegay inaan weli la soo dhamaystirin Doorashadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda, balse loo baahan yahay in 5 maalmood kadib la helo 194 Kursi oo ka mid ah xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka.

- Advertisement -

Wuxuuna  rajo ka muujiyey in la soo dhamaystiro tirada Barlamaanka ee 275-ka xubnood, si uu ruux kasta u yimaado Muqdisho, loona doorto Afhayeenka Baralamaanka.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxaa kaloo wax laga weydiiyey Eedeymaha lagu dhaliilo Xafiiska inuu faragelin ku hayo Hawlaha Guddiyadda doorashadda madaxa bannaan Heer Federal iyo Maamul-gobaleed, wuxuuna tilmaamay  inay shaqadooda tahay inay dhiirgeliyaan iyo in la dhowro Jadwalka Doorashooyinka.

Dhinaca kale, Ambassador Keating waxaa wax laga weydiiyey Wada-xaajoodka u socda Somalia iyo Somaliland, waxa uu tilmaamay inay Labada dhinaca wada hadli karaan hadday doonayaan, isla markaana Wada-xaajoodkooda waxba kama gelin dadka kale, xitaa QM.

“Waxaa jira jilayaal kale oo ka shaqaynaya in labada dhinac ay wada fariistaan oo ay ka hadlaan arrimahooda, QM lama waydiisan in uu wax ka ciyaaro arrimahan” ayuu sii raaciyey Ambassador Michael Keating oo u waramay Wakaalladda SONNA.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts