HomeWararSafaaradda Maraykanka oo ku tilmaamtay Doorashaddii Galmudug midda ugu musuqa badan Doorashadda...

Safaaradda Maraykanka oo ku tilmaamtay Doorashaddii Galmudug midda ugu musuqa badan Doorashadda Maamul-gobaleedyadda”.

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa Qoraal u gudbisay Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed oo ay walaac xooggan kaga muujisay Wararka ka soo baxayo Doorashaddii ka dhacday Galmudug, taasi oo lagu muujiyey inay jiraan musuq, cabsi-gelin,laaluush, iyo iyadoo Haweenka Musharixiinta loo diiday inay ku tartamaan Kuraasta iyo iyadoo la diiday Liiska Ergooyinka ee ka yimid Odayaasha Dhaqanka iyo xarig loo geystay Musharixiinta.

Nuqul ka mid ah Qoraalka Safaaradda Maraykanka ku leedahay Somalia u dirtay Madaxweynaha Galmudug oo la soo gaarsiiyey Radio Dalsan ayaa lagu xusay in dhamaan Xeeladahaasi waxyeello ku yihiin Hufnaanta iyo Sharci ahaanta Hannaanka Doorashadaasi.

- Advertisement -

“Iyadoo aan og nahay in Eedeymaha Siyaasadda tahay mid guud, haddana waxaan rumeysanahay inay inta badan Eedeymahaasi yihiin kuwo khatar yeelanayo” ayaa lagu yiri Qoraalka ay Safaaradda Maraykanka u dirtay Madaxweynaha Galmudug.

madaxweyne-guuleedQoraalka waxaa kaloo lagu xusay in Madaxweyne Guuleed iyo Wakiilka Guddiga Doorashadda ee Heerka Federalka  (SIEIT)  mas’uuliyad ka saaran tahay  Shaqadooda oo ka madax-bannaan Siyaasad, iyadoo asaas looga dhigayo Sharciga Nidaamka Doorashadda.

“Ka Hoggaamiye ahaan  iyo dhamaan Saraakiisha ku lugta leh Doorashadda waxaa saamayn idinku yeelan karta haddii lagu kalsoonaan waayo Geeddi-socodka Doorashadda” ayaa lagu yiri qoraalka ay Safaaradda Maraykanka u direen Madaxweynaha Galmudug.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

 

 

Latest stories