HomeWararDemark oo ka baxday Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Demark oo ka baxday Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maraakiibta Dagaalka ee Denmark ayaa dib ugu laabanayo dalkooda, kadib, markii ay muddo 9-sanno qeyb ka ahaayeen Hawlgalka La-dagaalanka burcad-baddeeda ka qowleysaya Xeebaha Somalia. Maraakiibtaasi oo qeyb ka ahaa Ciiddanka Badda ee Isbahaysiga NATO ayaa waxay gacan ka geysteen sidii ay Maraakiibta Ganacsiga uga waabin lahaayeen Burcad-baddeeda ka qowleysata Badweynta Hindiya iyo Gacan-biyoodka Cadmeed. Ciiddanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maraakiibta Dagaalka ee Denmark ayaa dib ugu laabanayo dalkooda, kadib, markii ay muddo 9-sanno qeyb ka ahaayeen Hawlgalka La-dagaalanka burcad-baddeeda ka qowleysaya Xeebaha Somalia.

Maraakiibtaasi oo qeyb ka ahaa Ciiddanka Badda ee Isbahaysiga NATO ayaa waxay gacan ka geysteen sidii ay Maraakiibta Ganacsiga uga waabin lahaayeen Burcad-baddeeda ka qowleysata Badweynta Hindiya iyo Gacan-biyoodka Cadmeed.

- Advertisement -

Ciiddanka Badda ee dalka Denmark waxay sheegeen muddadii ay qeybta ka ahaayeen Hawlgalkaasi inay  qabteen 295 Eedeysanayaal Burcad-baddeed ah, kuwaasi oo 50 ka mid ah loo gudbiyey Dacwad-oogayaasha dalalka kale.

Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Badda ee Denmark ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka iyo Maraakiibta Dagaalka ee ka joogay Xeebaha Somalia loo wareejiyey inay ka hawl-galaan Badda Mediterranean Sea, halkaasi oo ay Tahriibayaal badan oo doonyaha ku safra u baahan yihiin Gurmad Degdeg ah.

Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda haddii ay Ciiddanka Badda ee Denmark ama kuwa kale ee dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga NATO ka huleelaan Badda Somalia inay taasi horseedi karto inay Burcad-baddeeda mar kale dib u soo laba-kacleeyaan.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts