HomeWarar(SAADAALIN); Yaa ku guuleysan doona inta badan Xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka...

(SAADAALIN); Yaa ku guuleysan doona inta badan Xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda !!!?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Musharixiinta jaalka la ah Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia ayaa ku guuleystay Wejiga Koowaad ee Doorashadda xubnaha Maamulka Hirshabelle uga mid noqonayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda. Waxaana naadir ah inay soo baxaan Musharixiinta ka madax-bannaan (Dam-jadiid ee Madaxtooyadda) iyo kuwa (Ala-sheekh) ee jaalka la ah Madaxweynihii hore, ahna Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Musharixiinta jaalka la ah Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia ayaa ku guuleystay Wejiga Koowaad ee Doorashadda xubnaha Maamulka Hirshabelle uga mid noqonayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

Waxaana naadir ah inay soo baxaan Musharixiinta ka madax-bannaan (Dam-jadiid ee Madaxtooyadda) iyo kuwa (Ala-sheekh) ee jaalka la ah Madaxweynihii hore, ahna Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

- Advertisement -

Waana Loolan-siyaasadeed lagu bixinayo Kharajkii ugu badnaa ee lagu maalgelinayo Musharixiinta laga rajeynayo inay codadkooda ku taageeraan Doorashadda Madaxtinimadda ee la iclaamiyey inay dhici doonto  bishan November 30-da, inkastoo laga yaabo inuu  jadwalkaasi dib-u-dhac kale ku yimaado.

Qaabsami-socodka Doorashadda Maamul-gobaleedyadda HirShabelle, Galmudug, K/galbeed iyo Jubbaland ayaana laga bidhaansan karaa inay Hawsha ku socoto sidii loogu tala-galay, isla markaana ay isku garbinayaan Musharixiinta Labada Isbahaysi Siyaasadeed ee Dam-jadiid iyo Ala-sheekh.

vote1Haddaynu xooraansano Doorashadda maanta ka dhacday Hirshabelle, waxaa ku soo baxay Musharixiin loo xagliyo Madaxtooyadda, kuwaasi oo kala ah: Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Faarax Sh. C/qaadir, Ambassador Maxamed Cali Sanbalooshe iyo Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

- Advertisement -

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Juhdi badan lagu bixiyey Dhismaha Maamulka HirShabelle iyo Nidaamka Cod-bixinta xubnaha Maamulkaasi ee uga mid noqonay Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.

Sidoo kale, Natiijo noocaasi ayaa la hadal-hayaa inay ka kimaan karto  Cod-bixinta Musharixiinta Galmudug ee Aqalka Hoose, inkastoo ay dhici karto inay wax isbedelaan.

Si kastaba ha ahaatee, Siyaasadda Xodxodashada Dufanaysan ee Ergooyinka wax dooranayo ayaa sahli karta in la sii qiimeeyo  Natiijadda Doorashadda Madaxtinimadda ee soo socota, illayn Musharax kasta waxa uu cod ka rajeynayaa Xildhibaanadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts