HomeWararQoysas Soomaali ku go’doomay Dagaalka Yemen oo dib loogu soo celinayo dalka...

Qoysas Soomaali ku go’doomay Dagaalka Yemen oo dib loogu soo celinayo dalka hooyo.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Casaam Al-mukhsooni oo ka tirsan Xafiiska Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ku leeyihiin magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen ayaa sheegay in Daad-gureeyntaasi si habsami leh u socoto, iyadoo ilaa iyo haatan 150 qof dib loogu celiyey gudaha Somalia. Waxa uu intaasi ku daray in Hawlgalkaasi iska kaashanayaan IOM, Hay’adda UNHCR iyo Madaxda magaalladda Cadan. Mashruucaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Casaam Al-mukhsooni oo ka tirsan Xafiiska Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ku leeyihiin magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen ayaa sheegay in Daad-gureeyntaasi si habsami leh u socoto, iyadoo ilaa iyo haatan 150 qof dib loogu celiyey gudaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in Hawlgalkaasi iska kaashanayaan IOM, Hay’adda UNHCR iyo Madaxda magaalladda Cadan.

- Advertisement -

Mashruucaasi dib-u-soo-celinta Soomaalida iskooda u go’aansaday inay isaga soo baxaan dalka Yeman ayaa waxa uu socon doonaa muddo 6 bilood ah.

Xarunta Samafalka iyo Hawlaha Aadminimadda ee Boqor Salmaan Bin C/casiis-ka Sacuudiga ayaa la sheegay inay taageero dhaqaale ku bixinayso Mashruucaasi, waxaana la filayaa  in ilaa 2,500 oo qof oo Soomaali ah lagu soo daad-gureeyo Maraakiib, halka kuwa kalena la soo saarayo Duullimaadyo ka soo degi doona Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho..

Dhinaca kale, Qunsulka Safaaradda Somalia ee magaalladda Cadan, Maxamed Cumar Sheekh ayaa sheegay inay Safaaradda Somalia ku leedahay Yemen ka qeyb qaadanayso Hawlgalka lagu soo daad-gureynayo dadka Soomaalida ee doonaya in dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.

- Advertisement -

Qaxootiga Soomaalida ku nool dalka Yemen ayaa waxaa saamayn xooggan ku yeeshay Dagaalladda ka socdo dalkaasi ee u dhexeeya Maleeshiyadda Xuutiyiinta iyo Ciiddanka Dowladda Sharciga ee Yemen oo ay taageeraan Isbahaysiga Milliteri ee ay Sacuudiga hoggaamiso.

Xigasho: عدن بوست –عدن  

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts