HomeWararNin Somali-Maraykan oo dib loogu soo celiyey Muqdisho.

Nin Somali-Maraykan oo dib loogu soo celiyey Muqdisho.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Axmed Naasir Tahliil Maxamuud oo 41-jir ah ayaa waxaa shalay laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, kadib, markii laga soo masaafuriyey Maraykanka. Labo Sarkaal oo ka tirsan Waaxda  Socdaalka Maraykanka iyo Canshuuraha ayaa la socotay Ninkaasi, oo ay ku wareejiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee Somalia. Hadal ka soo baxay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Axmed Naasir Tahliil Maxamuud oo 41-jir ah ayaa waxaa shalay laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, kadib, markii laga soo masaafuriyey Maraykanka.

Labo Sarkaal oo ka tirsan Waaxda  Socdaalka Maraykanka iyo Canshuuraha ayaa la socotay Ninkaasi, oo ay ku wareejiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee Somalia.

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Axmed Naasir Tahliil Maxamuud soo saareen Diyaarad Rakaab oo ku soo jeeday Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kadibna waxaa loo soo duuliyey magaalladda Muqdisho.

Ninkaasi oo Dareewal Taksiile ka ahaa Maraykanka ayaa la sheegay inuu horey u soo dhamaystay  Xabsi 6 sanno ah sida ay qoreen Warbaahinta Maraykanka.

Ninkaasi ayaa  la sheegay in  sannadkii 2008-dii lagu soo oogay inuu Taageero Dhaqaale u diray Xarakadda Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Xogta Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka ayaa muujisay in Axmed Naasir Tahliil Maxamuud uu Deganaanshaha Joogtadda ee Maraykanka qaatay bishii August ee sannadkii 2004-tii.

Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka weli kama hadlin arrinta Ninka Somali-Maraykanka ee la sheegay in Maraykanka laga soo masaafuriyey.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts