HomeWararBoliska Danish-ka oo xiray Nin Somali oo la sheegay inuu haystay waxyaabaha...

Boliska Danish-ka oo xiray Nin Somali oo la sheegay inuu haystay waxyaabaha qarxa.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Maxkamad ku taalla Degmadda Aarhus ee Bariga dalka Denmark ayaa amartay in Xabsiga lagu sii hayo Nin Somali oo 24-jir ah, kaasi oo la sheegay inuu ku lug leeyahay waxyaabo qarxa oo laga helay magaalladda Jutland. Ninkaasi oo 24-jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ay albaabaddu u xiran yihiin, iyadoo Garsoore Tina Rud ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamad ku taalla Degmadda Aarhus ee Bariga dalka Denmark ayaa amartay in Xabsiga lagu sii hayo Nin Somali oo 24-jir ah, kaasi oo la sheegay inuu ku lug leeyahay waxyaabo qarxa oo laga helay magaalladda Jutland.

Ninkaasi oo 24-jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ay albaabaddu u xiran yihiin, iyadoo Garsoore Tina Rud ayaa amray in Ninka Soomaaliga  lagu sii hayo Xabsiga muddo 4 isbuuc ah ilaa ay Boliska ka soo dhamaystirayaan lBaaritaankooda.

- Advertisement -

Ninka Soomaaliga ayaa la sheegay in la xiray maalintii Axadda ee la soo dhaafay, kadib, markii ay Boliska ka heleen waxyaabaha qarxa Dhismo uu Ninkaasi ka deganaa Galbeedka Degmadda Aarhus.

Boliska ayaa la sheegay inay sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen si ay u qabtaan Ninkaasi oo diiday inuu ka soo baxo Dhismihii uu ku jiray.

Afhayeenka Boliska Denmark, Rene Raffo ayaa u sheegay Wargeyska Metroxpress inay u baahan yihiin waqti kooban si ay u wataan baaritaankooda.

- Advertisement -

Afhayeenka waxa uu sheegay inay ka shakisan yihiin qalabka ay ka heleen Dhismaha uu deganaa Ninka Soomaaliga, wuxuuna xusay inaysan xilligan haynin caddaymo muujinaya inuu Kiiskaasi ku lug leeyahay Fal Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts