HomeWararKenya oo sheegtay inay qabteen Rag doonayey inay ka soo gudbaan Xuduudka...

Kenya oo sheegtay inay qabteen Rag doonayey inay ka soo gudbaan Xuduudka Somalia.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Maxkamadda Degmadda Mandera ee W/bari Kenya ayaa waxaa la hor geeyey 2 nin oo u dhashay dalka Uganda iyo Nin Somali-Kenyan ah, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay ku sii jeedeen Somalia, si ay ugu biiraan Xarakadda Alshabaab, waa sida uu qoray Wargeyska Daily Nation. Hadal qoraal oo ay Boliska u gudbiyeen Maxkamadda ayey ku sheegeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Degmadda Mandera ee W/bari Kenya ayaa waxaa la hor geeyey 2 nin oo u dhashay dalka Uganda iyo Nin Somali-Kenyan ah, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay ku sii jeedeen Somalia, si ay ugu biiraan Xarakadda Alshabaab, waa sida uu qoray Wargeyska Daily Nation.

Hadal qoraal oo ay Boliska u gudbiyeen Maxkamadda ayey ku sheegeen in raggaasi la soo qabtay bishii hore ee October 28-dii, iyagoo doonayey inay ka gudbaan Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

- Advertisement -

Labada nin ee u dhalatay Uganda waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Makoba Asman iyo Amos Ntege iyadoo Nin Kenyan magaciisa lagu sheegay Cabdi Isaaq Aadan.

Maxkamadda Mandera ayaa oggolaatay Codsi ay Baarayaasha Boliska ku doonayeen inay Eedeysanayaasha sii hayn karaan muddo 7 maalmood, si ay u dhamaystiraan Baaritaankooda.

Eedeysanayaasha u dhashay Uganda waxay beeniyeen dacwadaha lagu soo oogay, waxayna sheegeen inay Shaqo-doon ahaayeen, lagana soo qabtay Hotel ay ka deganaayeen Mandera.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Eedeysanaha Somali-Kenyanka ee lagu magacaabo Cabdi Aadan Isaaq waxa uu sheegay inuu ka yimid Degmadda Garissa, kana mid yahay Shaqaalaha Guddoomiyaha Degmadda Mandera, Cali Roba.

Wuxuuna intaasi ku daray inay Boliska soo qabteen xilli uu ku sii jeeday Beer uu leyahay Cali Roba, wuxuuna beeniyey Eedeymihii la soo oogay.

Dhegeysiga Kiiskaasi ayaa mar kale lagu madalsan yahya bishan November 7-da, sida uu sheegay Garsooraha Maxkamadda Mandera.

 ©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts