HomeWararTirada dadka Kenyanka ee lagu dilay Hawlgalladda ay Alshabaab ka fuliyaan gudaha...

Tirada dadka Kenyanka ee lagu dilay Hawlgalladda ay Alshabaab ka fuliyaan gudaha dalkaasi oo la shaaciyey.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

  Ugu yaraan 300 qof oo Kenyan ayaa lagu dilay Hawlgalladda ay Xarakadda Alshabaab ka fuliyeen dalkaasi saddexdii sanno ee la soo dhaafay. Warbixin ay soo saartay Guddiga Kenya ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee KNCHR ayaa lagu sheegay in dhimashadda ugu badan ka dhacday Gobalka Kawaale Ku-xigeenka Guddoomiyaha Hay’adda KNCHR, George Morara ayaa sheegay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Ugu yaraan 300 qof oo Kenyan ayaa lagu dilay Hawlgalladda ay Xarakadda Alshabaab ka fuliyeen dalkaasi saddexdii sanno ee la soo dhaafay.

- Advertisement -

Warbixin ay soo saartay Guddiga Kenya ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee KNCHR ayaa lagu sheegay in dhimashadda ugu badan ka dhacday Gobalka Kawaale

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Hay’adda KNCHR, George Morara ayaa sheegay inay dilalkaasi geysteen Boliska ama xubnaha Alshabaab ee dib ugu soo laabtay Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

“Waxaan luminay 300 qof o oKenyan saddexdii sanno ee la soo dhaafay, taasi oo ka dhalatay Amaman-xumida. Ma aha War Fiican, iyadoo aan horey ugu socono Doorashadda Kenya ka dhacayso sannadka soo socda” ayuu yiri  George Morara.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la qaado Tallaabooyin lagu xaqiijinayo inaysan dad kale naga lumin, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Hay’adda KNCHR waxa uu Boliska ku eedeeyey inaysan wax xal ah ka keenin Wararka dhinaca Sirdoonka ee laga ururiyey tiro dilal oo dhacay, wuxuuna ugu baaqay inay mas’uuliyad badan iska saaraan arrinta Ammaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Tiradda Dadka Kenyanka ee la shaaciyey in lagu dilay Hawlgalladda Xarakadda Alshabaab ayaan la ogeyn inay ku jiraan Askartii Kenyan ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku dileen gudaha Somalia, tan iyo markii ay Ciiddanka Kenya soo galeen Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay tiradii ugu badnayd Askarta Kenyanka ku dileen weerarkii ay  bishii Janaayo 15-dii ee sannadkan ku qaadfeen Xeradda ay Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

In ka badan 150 Askari ayaa la sheegay in lagu dilay Weerarkii Ceel-cadde, inkastoo aysan Dowladda Kenya ilaa iyo haatan xaqiijinin Tiradda Rasmiga ee Askarta looga dilay Ceel-cadde.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts