HomeWararHoggaamiyayaasha Sudan iyo Kenya oo ka wada hadlay Deganaanshaha Somalia. ...

Hoggaamiyayaasha Sudan iyo Kenya oo ka wada hadlay Deganaanshaha Somalia.  

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha dalka Sudan, Jeneral Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum kula kulmay dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo booqasho 2 cisho ku jooga dalkaasi. Labada Madaxweyne oo Kulan Khaas ah yeeshay ayaa waxay si gaar ah uga hadleen Xiriirka Labada Dal iyo Xaalladda Ammaanka Gobalka, gaar ahaan Dalalka Somalia iyo Koonfurta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Sudan, Jeneral Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum kula kulmay dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo booqasho 2 cisho ku jooga dalkaasi.

Labada Madaxweyne oo Kulan Khaas ah yeeshay ayaa waxay si gaar ah uga hadleen Xiriirka Labada Dal iyo Xaalladda Ammaanka Gobalka, gaar ahaan Dalalka Somalia iyo Koonfurta Sudan.

- Advertisement -

Jeneral Cumar Xasan Al-bashiir iyo Uhuru Kenyatta waxay isla garteen in loo baahan yahay in wax badan laga qabto Xaalladda dalka Somalia, isla markaana laga shaqeeyo Deganaanshaha Somalia.

Labada Hoggaamiye waxay kaloo ka hadleen Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Sudan iyo Kenya, waxayna hoosta ka xariiqeen inay muhiim tahay sidii Deganaansho loogu heli lahaa dalka Somalia.

Dhinaca kale, Labada Madaxweyne waxay ka wada xaajoodeen Doorashadda Hoggaanka Cusub ee Ururka Midowga Afrika, wuxuuna Madaxweynaha Sudan ballan qaaday inuu taageerayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Mohamed sidii ay u hoggaamin lahayd Ururka AU-da.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

 

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts