HomeWararSaldhigga Milliteriga ee ay Turkiga ka dhisteen Muqdisho oo la shaaciyey Xilliga...

Saldhigga Milliteriga ee ay Turkiga ka dhisteen Muqdisho oo la shaaciyey Xilliga la furayo iyo Kharajka ku baxay.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxaysaa Saldhiggii Milliteri ee ugu horreeyey ee ay Turkiga ka hirgeliyaan magaalladda Muqdisho, iyadoo Saldhigaasi lagu tababari doono Boqolaal ka tirsan Ciiddanka Qaranka Somalia. Mashruuca Dhismahaasi oo ku fadhiya masaafo dhan 400 Hectares, oo laga dhisay 3 Dugsiyadda Milliteriga, Maktabado wax lagu barto iyo Bakhaaro. Dhismaha Saldhigaasi ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxaysaa Saldhiggii Milliteri ee ugu horreeyey ee ay Turkiga ka hirgeliyaan magaalladda Muqdisho, iyadoo Saldhigaasi lagu tababari doono Boqolaal ka tirsan Ciiddanka Qaranka Somalia.

Mashruuca Dhismahaasi oo ku fadhiya masaafo dhan 400 Hectares, oo laga dhisay 3 Dugsiyadda Milliteriga, Maktabado wax lagu barto iyo Bakhaaro.

- Advertisement -

Dhismaha Saldhigaasi ayaa la bilaabay bishii March ee sannadkan, waxaana loo isticmaali doonaa in lagu tababaro Ciiddanka Somalia iyo kuwa dalalka kale ee Afrikaanka.

Agaasimaha Shirkadda Dhismaha Guud ee  Istanbul Mogadishu General Construction Company, Abubakar Sahin ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency (AA) in Saldhigaasi lagu kharaj gareeyey lacag dhan 50 million oo Dollar, lana furi doono bisha Janaayo ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Saldhigaasi awoodi karo in hal mar lagu tababaro 500 oo Askari.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey halka laga hirgeliyey Mashruuca Saldhigaasi waxa uu tilmaamay inuu ku dhow yahay Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, islaa markaana uu 3 KM u jiro Isbitaalka Erdogan (Ex-Isbitaalkii Digfeer) ee magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Xiriirka Diplomaasiyadeed, Milliteri iyo Iskaashiga ee u dhexeeya Somalia iyo Turkiga ayaa aad u sii kobcay, kadib, markii uu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan booqashadda ku yimid Somalia.

Bishii June 3-dii ee sannadkan, waxa uu Madaxweyne Erdogan booqashadiisa ugu dambeysay ku yimid Somalia.

Waxa uu magaalladda Muqdisho ka furay Safaaradda Turkiga ee ugu ballaaran oo ku taalla Qaaradda Afrika.

turkey-army-base

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts