HomeWararBarlamaanka Carabta oo Beesha Caalamka ugu baaqay inay taageeraan Somalia.

Barlamaanka Carabta oo Beesha Caalamka ugu baaqay inay taageeraan Somalia.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Barlamaanka Dowladaha Carabta, Ahmed Bin Mohamed Al-jarwaan ayaa hadalkaasi ku sheegay Xiritaanka Shirkii Xildhibaanadda Barlamaanadda Carabta oo lagu soo gebagebeeyey Caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Bayaanka laga soo saaray Shirkaasi waxaa loogu baaqay Beesha Caalamka inay Somalia ka taageeraan dhinaca Ammaanka, Siyaasadda, Garsoorka , lana horumariyo Awoodda Ciiddanka Qaranka Somalia. Bayaanka waxaa kaloo lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Barlamaanka Dowladaha Carabta, Ahmed Bin Mohamed Al-jarwaan ayaa hadalkaasi ku sheegay Xiritaanka Shirkii Xildhibaanadda Barlamaanadda Carabta oo lagu soo gebagebeeyey Caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Bayaanka laga soo saaray Shirkaasi waxaa loogu baaqay Beesha Caalamka inay Somalia ka taageeraan dhinaca Ammaanka, Siyaasadda, Garsoorka , lana horumariyo Awoodda Ciiddanka Qaranka Somalia.

- Advertisement -

Bayaanka waxaa kaloo lagu soo hadal-qaaday Doorashooyinka ka dhici doona Somalia, waxayna Barlamaanadda Carabta ku baaqeen inay Doorashooyinkaasi ku dhacaan si Xaq iyo Hufnaan ah, lagana joojiyo Faragelinta iyo Dib-u-dhaca ku yimaada Jadwalka Doorashooyinka.

Bayaanka waxaa lagu sheegay inay Doorashooyinka yihiin Tijaabooyin Siyaasadeed, loona bahaan yahay inay ku dhacaan si Dimuqraadi iyo Hufnaan leh.

Dhinaca kale, Barlamaanka Carabta waxay taageereen Midnimadda  iyo Xuduudaha Qaranka Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in laga hortago Maraakiibka suntan Kiimikadda ku daadiya Badda Somalia iyo kuwa sida sharci-darradda uga kalluumeysta Badda Somalia,.

- Advertisement -

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia ayaa ka qeyb galay Shirkaasi.

arb-par

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts