HomeWararUrurka NUSOJ oo cabasho ka muujiyey Go'aanka Suxufiyiinta looga mamnuucay Garoonka Aadan...

Ururka NUSOJ oo cabasho ka muujiyey Go’aanka Suxufiyiinta looga mamnuucay Garoonka Aadan Cadde.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), Maxamed Jbrahim Macallimu  ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin Go’aanka ka soo baxay Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Suxufiyiinta looga mamnuucay inay muddo 60 maalmood gudaha u soo galaan Garoonkaasi. Macallimu oo saakayto Wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa sheegay inay Tallaabadaasi caqabad […]

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), Maxamed Jbrahim Macallimu  ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin Go’aanka ka soo baxay Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Suxufiyiinta looga mamnuucay inay muddo 60 maalmood gudaha u soo galaan Garoonkaasi.

Macallimu oo saakayto Wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa sheegay inay Tallaabadaasi caqabad ku tahay Hawlaha Suxufiyiinta u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, xilli la guda-galayo Doorashooyinka Qaranka.

- Advertisement -

Hadalka Mas’uulkaasi ka tirsan Ururka NUSOJ ayaa yimid, kadib, markii uu Maareeyaha Guud ee Amniga Garoonka Aadan Cadde, Jeneral Cabdi Ashkir Jaamac soo saaray Wareegto lagu farayo Suxufiyiinta inaysan muddo 60 cisho gudaha u soo geli Karin Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Halkan ka akhriso Wareegtadda Suxufiyiinta looga mamnuucay Garoonka Aadan Cadde:

 
wareegto

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories