HomeWarar(SAWIRO): Xukun Degdeg oo lagu soo rogay magaalladda Charlotte ee Maraykanka.

(SAWIRO): Xukun Degdeg oo lagu soo rogay magaalladda Charlotte ee Maraykanka.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Hal qof ayaa si xun loogu dhaawacay Dibadbax habeenkii Labaad xalay ka dhacay magaalladda Charlotte ee Gobalka Waqooyiga Carolina. Boliska ka hortaga Dibadbaxyada rabshadaha wata ayaa la sheegay inay toogteen Nin madow oo ka mid ah dadkii dibadbaxayey. Warar hore ayaa sheegay inuu geeriyooday Ninka la toogtay, balse War ay Saraakiisha Magaalladaasi soo dhigeen Bartooda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hal qof ayaa si xun loogu dhaawacay Dibadbax habeenkii Labaad xalay ka dhacay magaalladda Charlotte ee Gobalka Waqooyiga Carolina.

Boliska ka hortaga Dibadbaxyada rabshadaha wata ayaa la sheegay inay toogteen Nin madow oo ka mid ah dadkii dibadbaxayey.

- Advertisement -

charlotte111111Warar hore ayaa sheegay inuu geeriyooday Ninka la toogtay, balse War ay Saraakiisha Magaalladaasi soo dhigeen Bartooda Twitter-ka ayey ku sheegeen inuu ninkaasi soo gaaray dhaawac culus, lana dhigay Isbitaalka.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu ku jiro xaallad khatar ah, waxaana lagu rakibay qalabka taageeradda.

Sarkaal ka tirsan Boliska ayaa laga daaweeyey dhaawacyo ka soo gaaray Dibadbaxyaddii xalay ka dhacay magaalladaasi.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobalka North Carolina ayaa Xukun Degdeg ah ku soo rogay Gobalka, iyadoo Ciiddanka Ilaaladda Qaranka loo diray si ay Boliska uga taageeraan sidii loo soo celin lahaa Ammaanka iyo Kala-dambaynta ee magaalladda Charlotte.

Xiisadda ka aloosan magaalladaasi ayaa bilaabantay maalintii Talaadada ee la so odhaafay, kadib, markii ay Boliska magaalladda Charlotte toogasho ku dileen Nin madow oo lagu magacaabi jirey Keith Scott oo 43-jir ahaa.

Boliska ayaa sheegay inuu ninkaasi ku hubeysnaa Qori, isla markaana uu Saraakiisha ka diiday inuu iska dhigo Qoriga.

Balse, qoyska Ninka la dilay iyo Goobjooge ayaa sheegay in markii ay Boliska tooganayeen uu Keith Scott watay Buug, waxayna beeniyeen inuu watay Qori.

Weli lama soo bandhigin Muuqaalka Video-ga ee Dhacdadaasi, balse Haweeneyda Duq magaallo ka ah Charlotte ayaa sheegtay inay maanta daawan doonaan Muuqaalka laga duubay Dhacdadaasi.

charlotte001

People run from flash-bang grenades in uptown Charlotte during a protest of the police shooting of Keith Scott. REUTERS/Jason Miczek

People maneuver amongst tear gas in uptown Charlotte, NC during a protest of the police shooting of Keith Scott, in Charlotte, North Carolina, U.S. September 21, 2016. REUTERS/Jason Miczek

Police hold their lines in uptown Charlotte, NC during a protest of the police shooting of Keith Scott, in Charlotte, North Carolina, U.S. September 21, 2016. REUTERS/Jason Miczek

 

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts