HomeWararMadaxweynaha Dowladda Federalka oo sheegay in Rajo Wanaagsan laga qabo Dacwadda Maxkamadda...

Madaxweynaha Dowladda Federalka oo sheegay in Rajo Wanaagsan laga qabo Dacwadda Maxkamadda ICJ.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu markii Labaad Bartiisa Facebook soo dhigay Farriin Cod oo ku saabsan Dacwadda Badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya, wuxuuna ka hadlay Mowqifka Dowladda Federalka ee ku aadan arrintaasi. Waxa uu  tilmaamay inay Somalia u doodayso Xuquuqdeeda ku aadan Milkiyadda Xuduud-baddeedka ee ay Dowladda Kenya sheeganayso, wuxuuna  rajo wanaagsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu markii Labaad Bartiisa Facebook soo dhigay Farriin Cod oo ku saabsan Dacwadda Badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya, wuxuuna ka hadlay Mowqifka Dowladda Federalka ee ku aadan arrintaasi.

Waxa uu  tilmaamay inay Somalia u doodayso Xuquuqdeeda ku aadan Milkiyadda Xuduud-baddeedka ee ay Dowladda Kenya sheeganayso, wuxuuna  rajo wanaagsan ka bixiyey inay Somalia ku guuleysan doonto Dacwada la xiriirta Milkiyadda Xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso.

- Advertisement -

“Somalia  marnaba ma gar-darna, waxay raadinaysaa Xaqa ka maqan, iyadoo la raacayo Sharuucda Caalamka” ayuu yiri Madaxweynaha oo hoosta ka xariiqay inay Somalia iyo Kenya yihiin dalal deris ah oo wada saxiixay Go’aankii Caalamiga ee lagu dhisay Maxkamadda Garsoorka ee Caalamiga (ICG).

Madaxweynaha waxa uu Farriinta uu soo dhigay Bartiisa Facebook  uga mahad celiyey Shacabka Soomaalida Mowqif ka Mideysan ay iska taagan Qaddiyadda Dacwadda Muranka Badda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Isku duubnidaasi horseedi doonto in ay Somalia u soo laaban doonto Xuquuqaha ka maqan.

Dhinaca kale, Maxkamadda Garsoorka Caalamiga (ICJ) ee magaalladda Hague ee dalka Holland ayaa la filayaa inay maalinta Jimcaha ee soo socota soo gebagebayso Dhegeysiga Gar-naqsiga Ergooyinka Somalia iyo Kenya ee dacwadda la xiriirta Muranka Xuduud-baddeedka.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts