HomeWararAskar Ugandese ka tirsan AMISOM oo lagu soo oogay inay ku xad-gudbeen...

Askar Ugandese ka tirsan AMISOM oo lagu soo oogay inay ku xad-gudbeen Haween Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ku-xigeenka Madaxa Adeegyadda Sharciga ee Wasaaradda Difaaca Uganda, Kolonel Godard Businge ayaa sheegay in qaar ka mid ah Askartooda la xiray, lana soo taagay Maxkmadda Milliteriga, iyagoo ku eedeysan inay ku tacadiyeen Gabdho iyo Haween Somali ah. Kolonel Godard Businga waxa uu tilmaamay in Askarta la xiray weli ay Dacwadooda ka socoto Maxkamadda Milliteriga ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-xigeenka Madaxa Adeegyadda Sharciga ee Wasaaradda Difaaca Uganda, Kolonel Godard Businge ayaa sheegay in qaar ka mid ah Askartooda la xiray, lana soo taagay Maxkmadda Milliteriga, iyagoo ku eedeysan inay ku tacadiyeen Gabdho iyo Haween Somali ah.

Kolonel Godard Businga waxa uu tilmaamay in Askarta la xiray weli ay Dacwadooda ka socoto Maxkamadda Milliteriga ee Uganda.

- Advertisement -

Sarkaalkaasi ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan-shaqo oo looga hadlayey Tacadiyadda ay Askarta Uganda ka geysteen dalalka ay Colaadaha ka jiraan, sida Gobalka Harooyinka Waa Weyn ee Afrika (The Great Lakes Region).

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Wasaaradda Difaaca Uganda bilowday baaritaan, kadib, markii ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch soo saartay Warbixin sannadkii 2014-kii oo muujinaysa inay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku tacadiyeen Gabdho yar iyo Haween Somali ah.

Baaritaanka Human Rights Watch ayaa lagu sheegay inay wareysteen 21 gabdho iyo haween Somali ah, kuwaasi oo sheegay inay kufsadeen, kuna xad-gudbeen Askarta Uganda iyo Burundi.

- Advertisement -

Warbixinta waxaa lagu sheegay inay Askarta AMISOM isticmaalaan Xeelado kala duwan oo ay u sheegaan haweenka  in la siinayo Gargaar, Biyo iyo Daawooyin, kadibna ay kufsadaan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Kolonel Paddy Ankunda iyo Labo Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Ciiddanka Uganda (UPDF)  ayaa sheegay inaysan rumeysnayn in ay qaar ka mid ah Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawkgalka AMISOM kufsadeen ama ku xadgubdeen gabdho iyo haween Somali ah.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts