HomeWararKooxo Hubeysan oo dhac u geystay Goobo Ganacsi oo ay Soomaalida ku...

Kooxo Hubeysan oo dhac u geystay Goobo Ganacsi oo ay Soomaalida ku leeyihiin Suuqa Islii ee Nairobi.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Burcad Kenyan ah ayaa waxay dhac xooggan u geysteen goobaha Ganacsiga ee ay dadka Soomaaliyeed ku leeyihiin Dhismaha laga dukaamaysto ee Moyale Mall ee Xaafadda Islii. Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay Burcadda jabsadeen 9 Dukaan oo ay Ganacsato Soomaali leeyihiin, kana dhaceen Qalabka Elektroonikadda oo lagu qiimeeyey Malaayiin Shillinka Kenya. Dhinaca […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Burcad Kenyan ah ayaa waxay dhac xooggan u geysteen goobaha Ganacsiga ee ay dadka Soomaaliyeed ku leeyihiin Dhismaha laga dukaamaysto ee Moyale Mall ee Xaafadda Islii.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay Burcadda jabsadeen 9 Dukaan oo ay Ganacsato Soomaali leeyihiin, kana dhaceen Qalabka Elektroonikadda oo lagu qiimeeyey Malaayiin Shillinka Kenya.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Burcaddu waxay dileen 2 ka mid ah Ilaaladda Dhismaha Dukaamaysiga ee  Moyale Mall, waxaa kaloo la la la’ yahay 2 Waardiye oo la waayey, markii la soo weeraray goobahaasi Ganacsi.

Sarkaal u hadlay Boliska Nairobi ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey dhacdadaasi markii ay Tuugadda la baxsadeen Qalabkii ay ka dhaceen Goobaha Ganacsiga ee ay qaar ka mid ah Ganacsatadda Soomaaliyeed ku leeyihiin Suuqa Xaafadda Islii.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Burcad Kenyan hubeysan ay cagta mariyaan goobaha ganacsiga ee Suuqa Islii, waxayna Ganacsatada ka cawdaan Dabley Hubeysan ee dhaca u geysta Ganacsatadda iyo Dadweynaha u soo Dukaamaysi tega Suuqa Islii oo ah kan ugu qiimaha jabadan Suuqyadda kale ee ku yaalla Faras-magaallaha Hoose ee Nairobi.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts