HomeWarar(FAALLO): Lama dhayalsan karo Miisaanka Siyaasadeed ee Musharixiinta Madaxtinimadda !!!!

(FAALLO): Lama dhayalsan karo Miisaanka Siyaasadeed ee Musharixiinta Madaxtinimadda !!!!

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ilaa 15 Musharax Mdaxweyne oo 2 ka mid Haween yihiin ayaa xusul-duub ugu jira Ololaha Doorashooyinka Madaxtinimadda ee la hadal hayo  in la qaban doono bisha soo socota ee October 30-da. Musharixiinta ugu miisaanka culus ayaana samaystay Isbahaysi ay ugu waqlaleen Isbahaysiga Isbedel-sameynta Soomaaliyeed “Coalition for Change (C4C)”, kaasi oo ay doonayaan inay sidii daadkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilaa 15 Musharax Mdaxweyne oo 2 ka mid Haween yihiin ayaa xusul-duub ugu jira Ololaha Doorashooyinka Madaxtinimadda ee la hadal hayo  in la qaban doono bisha soo socota ee October 30-da.

Musharixiinta ugu miisaanka culus ayaana samaystay Isbahaysi ay ugu waqlaleen Isbahaysiga Isbedel-sameynta Soomaaliyeed

- Advertisement -

“Coalition for Change (C4C)”, kaasi oo ay doonayaan inay sidii daadkii oo kale ugu durduriyan Musharaxiinta kale ee Madaxtinimdda.

Isbahaysiga C4C waxay jaal dhow la noqdeen Siyaasiyiinta Mucaaradka, kuwaasi oo Aragti ahaan ka biyo diidsan Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu shaaciyey inuu yahay Musharax Madaxweyne.

Is-jiidjiid Siyaasadeed, Is-naqdin Mucaaradnimo Mutaxan iyo Awr-kacsasho Siyaasadeed ayaana laga dareemyaa Masraxa Musharixiinta,  waxayna Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka si an hakasho leh diiradda u saareen inay naqdiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu u muuqda inuu Kaadir Siyaasadeed ka kasbaday Afarta sanno ee uu hayinka u hayo Xilka Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia.

- Advertisement -

Musharixiinta Madaxweynaha iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka waxay u badan yihiin Qurbo-joog leh Bisayl Siyaasdadeed iyo Tisqaadka Nidaamka Dimuqraadiydda iyo Xisbiyadd Mucaradka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Doorashadda Madaxtinimdda ku loolami doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Musharixiinta Isbahaysiga Isbedal-sameynta Soomaaliyeed “Coalition for Change (C4C)”, waxayna Doorashadu noqon kart mid ka miisaan iyo xamaasad culus Doorashaddii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii.

Xeeldheerayaasha waxay kaloo sheegeen inaysan Musharixiinta Madaxtinimadda badankooda Hami Xooggn ka qabin Xilka Madaxweynaha, balse ay kala yihiin:-

  1. kuwo Musharaxnimadda u galayo inay Xusuus-gal Taariikheed  u noqoto Mustaqbalka.
  2. Musharixiin hankooda yahay Boos-celis iyo Gurmad ay u fidiyaan Musharixiinata kale ee ay Cahdiga galeen.
  3. Musharixiin ka go’an tahay inay mar uun noqdaan Madaxweyne Hoy iyo Xafiis u tahay Qasriga Madaxtooyadda Qaranka ee Villa Somalia.
  4. Musharixiin danaynaya inay ku gorgortamaan dhibcaha Cod-bixinta ee ay helaan.
  5. Musharixiin Istaraatijiyad iyo Dano Beeleed loogu cimaamaday inuu ku gaaro Mansabka Madaxweynenimo.
  6. Musharixiin haysta Dhaqaale si fudud ku soo galay oo doonaysa inay Kharajkaasi u adeegsadaan si ay u gaaraan Xilka Madaxtinimadda.

Waa Hubaal inuu Musharax kasta ku talamayo inuu Taageero ka helo xubnaha Xildhibaanadda ee Beeshiisa uga mid noqonayo Barlamaanka Federalka ee soo socda, illayn Siyaasadda Somalia waxa weli Xeer-hoosaad u ah Nidaamka Is-beelaysiga.

Si kastaba ha ahaatee, Musharixiinta  jaal ku noqda Qaddiyadda Siyaasadda iyo Doorashadda waxay kala irdhoobaan marka la gaaro Hiigsiga  Figta ugu sarreysa ee Doorashooyinka, illayn Siyaasadda ma laha Saaxiib Joogta ah ee Dano Joogto ayey leedahay.

codee

©Radio Dalsan

 

 

 

 

 

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts