HomeWararDowladda Kenya oo soo bandhigtay Tiro-koobka Qaxootiga dib loogu soo celiyey Somalia.

Dowladda Kenya oo soo bandhigtay Tiro-koobka Qaxootiga dib loogu soo celiyey Somalia.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dowladad Kenya ayaa sheegtay inay 13,604 Qaxooti Soomaali dib loogu soo celiyey Somalia tan iyo bishii May    ee sannadkan. Waxay kaloo sheegtay in 439 Qaxooti Soomaali oo ka mid ahaa Qaxootiga ku sugan Xeradda Dhadhaab inay Dib-u-dejin ka heleen dalal kale. War Murtiyeed ay si wadajir u saxiixeen Kooxda Hay’adaha Dowladda Kenya ugu qaabilsan Dib-u-celinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladad Kenya ayaa sheegtay inay 13,604 Qaxooti Soomaali dib loogu soo celiyey Somalia tan iyo bishii May    ee sannadkan.

Waxay kaloo sheegtay in 439 Qaxooti Soomaali oo ka mid ahaa Qaxootiga ku sugan Xeradda Dhadhaab inay Dib-u-dejin ka heleen dalal kale.

- Advertisement -

War Murtiyeed ay si wadajir u saxiixeen Kooxda Hay’adaha Dowladda Kenya ugu qaabilsan Dib-u-celinta Qaxootiga iyo Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Irungu iyo Dowladda Somalia ayaa lagu sheegay inay Somalia soo wajahayso caqabado qaxootiga laabanayo iyo Xaqiijinta Is-dhexgalka dadkaasi iyo Mujtamaca ay ku biirayaan.

Waxaa la isku raacay inay Somalia samaysato Guddi Farsamo oo dusha kala socon doona Qaxootiga Soomaalida ee dib ugu laabanahyo Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya ayaa ka baaqday Socdaal uu ku tegi lahaa New York, si uu uga qeyb galo Shirweynaha Golaha Guud ee QM oo looga hadlayo Dhibaatooyinka haysta Qaxootiga ku nool Xeryaha Caalamka.

- Advertisement -

Bishii May ee sannadkan ayey ahayd, markii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku dhawaaqay inay Dowladiisa xirayso bisha November Xeradda Dhadhaab iyo in la celin doono in ka badan 600,000 oo Qaxooti u badan dad u dhashay Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, QM iyo Ururadda aan Dowliga Ahayn (NGO)-yadda waxay ugu baaqeen Dowladda Kenya inay dib uga fekeraan Go’aanka ay Qaxootiga Soomaaliyeed ugu celinayaan dalkooda hooyo.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts