HomeWararWasiir Diini “Marxuum Cali Samatar Wuxuu ahaa Hoggaamiye kaalin weyn ka...

Wasiir Diini “Marxuum Cali Samatar Wuxuu ahaa Hoggaamiye kaalin weyn ka soo qaatay Dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed”.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Muqdisho, August 20, 2016…..Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini  ayaa dhambaal tacsi ah u direy qoyska, ehelka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistii S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka, wuxuna Wasiirku ku tilmaamay marxuumka hoggaamiye door weyn ka soo qaatay dhismaha Ciidanka qalabka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, August 20, 2016…..Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini  ayaa dhambaal tacsi ah u direy qoyska, ehelka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistii S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka, wuxuna Wasiirku ku tilmaamay marxuumka hoggaamiye door weyn ka soo qaatay dhismaha Ciidanka qalabka sida.

Wasiirku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Soomaaliyeed ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

- Advertisement -

“Inna Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun… Allah u naxariisto marxuum S/guud Maxamed Cali Samatar. Wuxuu  ahaa muwaadin naftiisa iyo waqtigiisa u huray inuu u shaqeeyo ummaddiisa, gaar ahaan waxaan ku xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kamid ahaa muwaadiniintii waqtigooda galiyey Soomaaliya in ay yeelato Ciidan leh awood iyo karti, difaaci karana dalkooda hooyo. Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu Naxariistii Jannatul Fardowsa ka Waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii uu ka tegeyna Samir iyo iimaan ka siiyo.”ayuu yiri Wasiir Diini.

—DHAMMAAD—-

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts