HomeWararMaxkamad ku taalla Malaysia oo go’aan ka gaarayso Muwaadin Somali ah oo...

Maxkamad ku taalla Malaysia oo go’aan ka gaarayso Muwaadin Somali ah oo lagu qabtay Qaad.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Maxkamadda Heerka Degmo oo ku taalla Degmadda Sepang ee duleedka Caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur ayaa la soo taagay  Arday Somali oo Jaamacad ka dhigta dalkaasi. Ardaygaasi oo lagu maagacaabo Axmed Sahal Kahiye ayaa la sheegay in  lagu qabtay isagoo tahriibinayo Qaad culayskiisu dhamaa 13 kiilo iyo 10 garaam. Eedeysanaha oo 30-jir ayaa waxaa […]

- Advertisement -

Maxkamadda Heerka Degmo oo ku taalla Degmadda Sepang ee duleedka Caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur ayaa la soo taagay  Arday Somali oo Jaamacad ka dhigta dalkaasi.

Ardaygaasi oo lagu maagacaabo Axmed Sahal Kahiye ayaa la sheegay in  lagu qabtay isagoo tahriibinayo Qaad culayskiisu dhamaa 13 kiilo iyo 10 garaam.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo 30-jir ayaa waxaa ka muuqatay Deganaansho, markii la soo taagay Maxkamadda, iyadoo Eedeymaha loo haystay loogu turjumayey Luqadda Englishka.

Axmed Sahal Kahiye oo ay Xaaskiisa haatan ku nooshahay dalka Australia ayaa lagu eedeeyey inay soo dirtay Qaadka oo Xirmo Kartoon ah  lagu soo xiray, waxaana Eedeysanaha qaadkaasi lagu qabtay bishii la soo dhaafay ee April 20-dii.

Eedeysanaha ayaa laga yaabaa inuu muteysto Xukun Dil ah, haddii lagu helo Sharciga lagu mamnuucay Daroogadda Khatarta ee dalka Malaysia laga dhaqan geliyey sannadkii 1952-kii.

- Advertisement -

Garsoore Shariifah Muhaymin Abdi Khalib ma sheegin in rafcaan laga qaadan karo xukunkaasi oo uu tilmaamay in lagu dhawaaqi doono bisha soo socota ee June 14-da, marka la soo dhamaystiro Warbixinta dhinaca Kimistiriga ee lagu ogaaanayo Heerka Daroogadda ee Qaadka.

Dhinaca kale, Garyaqaanka Eedeysanaha oo lagu magacaabo Zafli Pakwanteh ayaa sheegay in Kiiskaasi loo gudbin doono Maxkamadda Sare ee Malaysia, iyadoo Eedeysanaha haatan uu ku xiran yahay Xabsiga Sungai Buloh Prison.

©Radio Dalsan

Latest stories