HomeWararXukuumadda Federalka oo ka codsatay Jaamacadda Alazhar inay ka taageeraan La-dagaalanka Afkaarta...

Xukuumadda Federalka oo ka codsatay Jaamacadda Alazhar inay ka taageeraan La-dagaalanka Afkaarta Xag-jirnimadda.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Shiikha Jamaacadda Diiniga ee Alazhar ee dalka Masar, Dr. Axmed Aldayib waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaadi” oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Masar ee Qaahir. Wasiir Baqdaadi oo ka hadlay Munaasabadaasi waxa uu ka mahadceliyey […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shiikha Jamaacadda Diiniga ee Alazhar ee dalka Masar, Dr. Axmed Aldayib waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaadi” oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Masar ee Qaahir.

Wasiir Baqdaadi oo ka hadlay Munaasabadaasi waxa uu ka mahadceliyey doorka ay Jamaacadda Azhar ka qaadato Horumarinta Culuunta Islaamka, wuxuuna ugu baaqay inay Somalia ka taageeraan La-dagaalanka Aragtiyaha Xag-jirka ee khatarta ku haya Deganaanshaha Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia u baahan tahay  inay Jaamacadda Alazhar  ka taageeraan dhinacyadda Waxbarashadda iyo Fidinta Dacwadaha Islaamka.

Wasiirka waxa kaloo uu ku ammaanay Jaamacadda Alazhar kaalinta ay ka qaataan Nabadaynta iyo Is-cafinta Shacuubta iyo Dalalka Islaamka.

Dhinaca kale, Madaxa Jaamacadda Alazhar, Dr. Axmed Aldayib, waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay Shacabka Soomaaliyeed u fidiyaan Taageeradda dhinacyadda Waxbarashadda iyo Faafinta Dacwadda Islaamka.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in Ardayda Soomaalida ee Deeqaha Waxbarashadda (Minxa) ka hela Jamaacadda Alazhar, gaar ahaan Kulliyadda Shareecadda iyo Tababarka Iimaamyadda Soomaalida si ay Ummadda uga wacyi-geliyaan Fikradaha Xag-jirnimadda.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts