HomeWarar(LA-YAABKA & SAWIRO): Qaliin lagu sameeyey Nin buro 15 Kiilo ku lahaa...

(LA-YAABKA & SAWIRO): Qaliin lagu sameeyey Nin buro 15 Kiilo ku lahaa caloosha.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Nin u dhashay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Zhang Cheng ayaa lagu sameeyey qaliin noociisu naadir yahay, kadib, markii ay Dhakhaatiirta ka soo saareen Calooshiisa buro culayskoodu dhamaa 15 Kiilogaraam. Ninkaasi ayaa la sheegay inay burada caloosha kaga taallay muddo 12-sanno, isagoo markii ugu horreysay isku arkay sannadkii 2004-tii. Dhakhtarka hoggaaminayey Qaliinkaasi, Dr. Dai Ruiwu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Zhang Cheng before surgeryNin u dhashay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Zhang Cheng ayaa lagu sameeyey qaliin noociisu naadir yahay, kadib, markii ay Dhakhaatiirta ka soo saareen Calooshiisa buro culayskoodu dhamaa 15 Kiilogaraam.

Ninkaasi ayaa la sheegay inay burada caloosha kaga taallay muddo 12-sanno, isagoo markii ugu horreysay isku arkay sannadkii 2004-tii.

- Advertisement -

Dhakhtarka hoggaaminayey Qaliinkaasi, Dr. Dai Ruiwu oo ka hawlgala Isbitaalka Guud ee Milliteriga oo ku yaalla magaalladda Chengdu ee  Gobalka Sichuan ayaa qaliin ku sameeyey Ninka Calooshiisa u muuqaal ekaatay Haweeney Xaamilo oo sedkeedu dhamaaday.

Dhakhtarka waxa uu sheegay culayska burada inay cadaadis xooggan ku hayeen Xiidmada Caloosha iyo Murqaha gudaha ee ninkaasi.

Qaliinkaasi waxa uu qaatay muddo 6 saacadood,iyadoo ay Khubaro ka kala yimid Waaxyaha 3 Rugo Caafimaad u yimaadeen si ay u arkaan burada laga soo saaray ninka Bukaanka oo 33 jir ahaa.

- Advertisement -

Waxaa haatan lagu hayaa Qeybta Daryeelka Khaaska ee Isbitaalka, si loogu sii sameeyo daraasaad dheeraad ah.

Zhang Cheng before surgeryZhang Cheng recovering after surgery

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts