HomeWararKenya oo lagu xiray Nin Somali oo lagu eedeynayo inuu ku tacadiyey...

Kenya oo lagu xiray Nin Somali oo lagu eedeynayo inuu ku tacadiyey gabdho yaryar.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Faysal Axmed Aadan oo 34 jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadda Maua ee Gobalka Meru ee Galbeedka Kenya, isagoo lagu soo oogay inuu gabdhaha yaryar lacag siin jirey, si uu uga danaysto, waa sida hadalka loo dhigay. Eedeysanaha ayaa la sheegay in la qabtay xilli uu gabar yar oo ka timid […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faysal Axmed Aadan oo 34 jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadda Maua ee Gobalka Meru ee Galbeedka Kenya, isagoo lagu soo oogay inuu gabdhaha yaryar lacag siin jirey, si uu uga danaysto, waa sida hadalka loo dhigay.

Eedeysanaha ayaa la sheegay in la qabtay xilli uu gabar yar oo ka timid Madrasadda uu gaari ku kaxaysan lahaa, iyadoo gabadha yar qeylisay.

- Advertisement -

Gabadhaasi oo la hadashay Wargeyska The Daily Nation ayaa sheegtay inuu Eedeysanaha siiyey 10 Shillinka Kenya, kana codsaday inay gaarigiisa soo raacdo.

Qaar ka mid ah Qoyska gabadhaasi ayaa ku baaqay in  Caddaaladda la marsiiyo Eedeysanahaasi, iyadoo Garsooraha Maxkamadda ee Degmadda Maua ee Galbeedka Kenya, A.G. Munene ku gacan sayray rafcaan uu Eedeysanaha ka qaatay Kiiskaasi.

Garsooraha waxa uu amray in Eedeysanaha lagu sii hayo Xabsiga muddo 14 maalmood.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Eedeysane Faysal Axmed Aadan ayaa la filayaa in mar kale la soo taago Maxkamadda bisha soo socota ee April 4-da, isagoo lagu soo oogayo eedeynta loo haysto iyo inuu sharci la’aan ku joogay Kenya.

Xigasho: Daily Nation

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts