HomeWararFAALLO:- Maxaa Odayaasha Dhaqanke ee Reer Hiiraan ka hortaagan Shirka Maamul-u-samaynta Sh/dhexe...

FAALLO:- Maxaa Odayaasha Dhaqanke ee Reer Hiiraan ka hortaagan Shirka Maamul-u-samaynta Sh/dhexe iyo Hiiraan ?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxda Dowladda Federalka waxay xarig-jiid adag ugu jiraan sidii ay Odayaasha Dhaqanka ee Hiiraan loogu qancin lahaa inay ku biiraan qorshaha Maamul-gobaleedka loogu samaynayo Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe. Dhowr bilood oo dadaal iyo xusul-duub Siyaasadeed loo galay sidii loo qancin lahaa Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hiiraan waxay xaajaddu u muuqataa inaysan weli farri ka qodnayn. Madaxweynaha Dowladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxda Dowladda Federalka waxay xarig-jiid adag ugu jiraan sidii ay Odayaasha Dhaqanka ee Hiiraan loogu qancin lahaa inay ku biiraan qorshaha Maamul-gobaleedka loogu samaynayo Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dhowr bilood oo dadaal iyo xusul-duub Siyaasadeed loo galay sidii loo qancin lahaa Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hiiraan waxay xaajaddu u muuqataa inaysan weli farri ka qodnayn.

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federalka waxa uu dhowr jeer isaga daba laabtay magaalladda Beled-weyne, laakiin, Odayaasha ayaa u muuqda inay weli saluug qabaan, isla markaana yihiin kuwo ay lugta u laaban tahay.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka Hiiraan ee xubnaha ka ah Labada Gole ayaan isku aragti ka ahayn Qancinta Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan, waxaana Siyaasiyiinta ka dhex jira Loolan Hoose  iyo Isbaaro Siyaasadeed.

Siyaasiyiin badan ayey  niyadsami ka tahay Qabsoomidda Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe, balse, waxaa jira kuwo u ololeynaya in la qaadaco Shirkaasi iyo in la dhiso  Maamul-gobaleed Rimay-gacmeed ah si ay uga dhigtaan Maamul ay ku gorgortami karaan.

- Advertisement -

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan Siyaasiyiin rajo ka qabin inay mar kale ka soo muuqdaan Dowladda cusub ee la dooran doono dabayaaqadda sannadkan, kuwaasi oo taasi beddelkeedana ka go’an tahay  inay Odayaasha Dhaqanka ku tashkiiliyaan go’aan ay ku qaadacaan Madasha Shirka Jowhar.

Waxaa kaloo la sheegaa in Towfiiq la’aan ka dhex jirto Odayaasha Dhaqanka Beelaha wada degga Gobalka Hiiraan, kuwaasi oo isku fahmi la’ qaabka loo qeybsanayo Awoodda Maamulka cusub ee la dhisayo, waxaana uu guux xooggan ka imaanayaa Beelaha looga tirada badan yahay iyo kuwa aan hubeysnayn.

Khilaafka noocaasi aayaa lagu tilmaami karaa mid sii ragaadin kara Dhismaha Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo horey mabda’ ahaan loo saxiixay, loona oggolaaday dedejinta Maamulkaasi.

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid ayaa maalintii labaad ku sugan magaallo-madaxda Gobalka Hiiraan ee Beled-weyne, wuxuuna kulamo la leeyahay  Odayaasha Dhqanka Hiiraan ee ka biyo-diidsan dhismaha Maamul-gobaleedkaasi.

Ra’isul-wasaaraha oo ah Siyaasi Waayo-arag ah waxa uu ku guuleysan karaa dadaalkiisa, haddii ay Siyaasiyiinta Gobalka ku taageerayaan dadaalkiisa, balse, haddii ay Siyaasiyiinta, gaar ahaan Xildhibaanadda Reer Hiiraan dhabarka u jeediyaan dadaalkiisa waxay xaalladu noqon doono mid dhicis noqoto.

Ra’isul-wasaaraha waxa laga rajeynayaa inuu Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan la yeesho Kulamo Gaar-gaar iyo mid Guud, si uu wax badan uga ogaado halka ay iinta ka jirto iyo inuu kala furfuro Shaqsiyaadka mucaaradsan Shirka Jowhar.

Odayaasha waxay ku adkeysanayaan in ay Xukuumadda u madax bannaaneyso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha, si ay iyaga u qabsadaan Shirka Maamul-gobaleedka SH/dhexe iyo Hiiraan.

Odayaal kale ayaa ku doodaya in Gobalka Hiiraan loo qeybiyo Labo Gobal, si ay u dhistaan Maamul-gobaleed, taasi oo ay Xukuumadda u aragto  mid aan Mustaxiil ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, mar haddii Odayaasha Reer Hiiraan lagu tijaabiyey dadaal kasta, bal markan ha la isku hawlo sidii loo fahmi lahaa Hankoodau  horseedi kara inay ku biiraan Shirka Maamul-u-samaynta ee ay gogosheedu u fidsan tahay magaalladda Jowhar.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts