HomeWarar(SAWIRO): Saxafi Somaaliyeed oo ka mid noqday dadka ku guuleystay Abaalmarinta Hay’adda...

(SAWIRO): Saxafi Somaaliyeed oo ka mid noqday dadka ku guuleystay Abaalmarinta Hay’adda St. Paul’s Bush Foundation.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Hay’adda St. Paul’s Bush Foundation ayaa soo bandhigtay magacyadda Tobaneeyo qof oo loo aqoonsaday xubnaha ugu firfircoon sannadkan 2016-ka. Labo dersin oo rag iyo dumar oo ay ku jiraan Macallimiin, Shaqsiyaadka bixiya Adeegyadda Bulshadda, Dhakhtar Cilmi Nafsiga iyo Gurbaan-garaace. 24-ka qof ee la magacaabay waxaa figta sare kaga jira Saxafiga Somali-Maraykanka ee Mukhtaar Ibraahim oo u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda St. Paul’s Bush Foundation ayaa soo bandhigtay magacyadda Tobaneeyo qof oo loo aqoonsaday xubnaha ugu firfircoon sannadkan 2016-ka.

Labo dersin oo rag iyo dumar oo ay ku jiraan Macallimiin, Shaqsiyaadka bixiya Adeegyadda Bulshadda, Dhakhtar Cilmi Nafsiga iyo Gurbaan-garaace.

- Advertisement -

24-ka qof ee la magacaabay waxaa figta sare kaga jira Saxafiga Somali-Maraykanka ee Mukhtaar Ibraahim oo u shaqeeya Idaacadda Minnesota Public Radio News oo uu ka yahay Weriye (MPR News Reporter), waana Aasaasaha Wargeyska Sahan Journal oo ah Il-wareed madax-bannaan oo soo xigta wararka Bariga Afrika iyo Soomaalida ku nool Magaallooyinka Mataanaha ee Maraykanka.

Mukhtaar Ibraahim waa Saxafigii ugu horreeyey ee Somali-Maraykan ah oo ka shaqeeya Warbaahin ku taalla Magaallooyinka Mataanaha (Minneapolis–Saint Paul) ee dalka Maraykanka.

Mukhtaar Ibraahim waxa uu qorsheynayaa inuu Jamaacadda Columbia University ku dhamaysto Shahaadada (Master degree) ee Saxaafadda.

- Advertisement -

Hay’adda Bush Foundation waxay sannadkan dadkaasi u xusheen diiwaankooda guusha ee awoodaha aan caadiga ahayn iyo dadaalkooda ku aadan saamiga weyn ee ay ka geystaan Minnesota, North Dakota, South Dakota.

Hay’adda St. Paul’s Foundation waxay Xubnaha ay sannadkan magacaabeen siinayaan tabarucaad lacageed oo dhan 100,000 Dollar  si ay ugu horumariyaan Khibradooda iyo Aqoonta Hoggaamineed, Horumarinta Waxbarashadda, Fursadaha Isgaarsiinta, Tababaradda iyo Seminaaradda.

Xubnaha kale ee Soomaalida qeybta ka ah dadka ku guuleystay Maalgelinta Hay’adda Bush waxaa ka mid ah:- Cabdi Rooble iyo Xamsa Warfa.

HAMSA WARFAABDI ROBLEH

Madaxda iyo Shaqaalaha Warbaahinta Dalsan Media Network waxay u hambalyeynayaan Mukhtar Ibrahim. Cabdi Rooble iyo Xamsa Warfa dadaalkooda ku aadan Horumarinta iyo Wax-u-qabashadda Bulshadda Soomaalida, gaar ahaan Dhallinyaradda ku nool Magaallooyinka Mataanaha ee dalka Maraykanka.

BUSH FOUNDATION

LINKS: https://www.bushfoundation.org/news/announcing-2016-bush-fellows

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts