HomeWararMadaxweyne Gaas:- “ Dowladda Federalka iyo Puntland wey ku mideysan yihiin La-dagaalanka...

Madaxweyne Gaas:- “ Dowladda Federalka iyo Puntland wey ku mideysan yihiin La-dagaalanka Alshabaab”.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland, C/weli Gaas waxa markii ugu horreysay ka hadlay Eedeymaha ay Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa ku sheegeen inay Dowladda Federalka ka dambeeyso Alshabaabka ku soo qulqulayo qeybo ka mid ah Puntland. Madaxweyne Gaas oo haatan ku sugan dalka Maraykanka ayaa beeniyey Eedeyntaasi, wuxuuna xusay inuusan haynin wax caddaymo ah oo muujinaya arrinkaasi. Madaxweyne […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland, C/weli Gaas waxa markii ugu horreysay ka hadlay Eedeymaha ay Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa ku sheegeen inay Dowladda Federalka ka dambeeyso Alshabaabka ku soo qulqulayo qeybo ka mid ah Puntland.

Madaxweyne Gaas oo haatan ku sugan dalka Maraykanka ayaa beeniyey Eedeyntaasi, wuxuuna xusay inuusan haynin wax caddaymo ah oo muujinaya arrinkaasi.

- Advertisement -

Madaxweyne Gaas oo Wareysi Khaas ah siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee  Idaacadda VOA-da waxa uu yareeyey Xasaasiyadda Eedeymahaasi, isagoo ku tilmaamay inaysan daw ahayn in Dowladda Federalka lagu eedeeyo Duullaanka Alshabaabka.

“Dowladda Federalka waxaan ka mideysanahay La-dagaalanka Alshabaab, waayo Alshabaab waa caddow guud” ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo intaasi ku daray inay Dowladda Federalka wada shaqeynayaan sidii Alshabaab looga saari lahaa Somalia.

Waxa uu ka meermeeray hadalkii ay Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa ku eedeeyeen Dowladda Federalka, wuxuuna si guud ah u sheegay inay Alshabaab dhibaatooyin badan u geysteen Dowladda Federalka.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab caddow ku yihiin Soomaalida, Islaamka iyo Caalamka oo dhan, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo La-dagaalanka Alshabaab.

Madaxweyne Gaas waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inuusan Maamulkiisa u baahnayn in Ciiddamo AMISOM la geeyo Puntland, wuxuuse Beesha Caalamka ka codsaday in Puntland la siiyo taageero la mid ah Taageeradda la siiyo Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.

Wasiir Soo-cadde

WASIIR QARJAB

Wasiiradda Ammaanka iyo Warfaafinta ee Puntland, Cabdi Xersi Cali “Qarjab” iyo Maxamuud Xasan Soo-cadde ayaa horey ugu eedeeyey Dowladda Federalka inay ku lug leeyihiin Qulqulka Alshabaabka soo gaaray qeybo ka mid ah Goballadda Puntland.

Wasiirka Ammaanka Puntland waxa uu isagu qiil uga dhigay inay Dowladda Federalka ka caraysan tahay Go’aanka ay Puntland ku diideen Nidaamka Awood-qeybsiga 4.5 oo uu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

Sidoo kale, Dowladda Federalka waxay beenisay inay wax lug ah ku leeyihiin Alshabaabka galay Puntland, iyadoo la og yahay inay Alshabaab qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fuliyaan magaalladda Muqdisho iyo Goballadda kale ee ay Dowladda Federalka gacanta ku hayso.

©Radio Dalsan

 

Latest stories