HomeWararDhageyso: Siyaasi sheegay in Dagaalada puntland ay saameyn donaan Doorashada 2016

Dhageyso: Siyaasi sheegay in Dagaalada puntland ay saameyn donaan Doorashada 2016

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Siyaasiga Max’ed Max’uud Nuur ( Caalim )ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Dalsan ku sheegay in dagaalada kasoo cusbonaaday Degaanada Puntland ee u dhaxeeyay Al shabab iyo Puntland loo baahan yahay in si wada jir ah la iskaga kaashado. Waxa uu tilmaamay in dhibaatadan ay ka dambeyso iyadoo weli Baarlamaanka Soomaaliya uusan ansixin sharciga la dagaalanka […]

- Advertisement -

Siyaasiga Max’ed Max’uud Nuur ( Caalim )ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Dalsan ku sheegay in dagaalada kasoo cusbonaaday Degaanada Puntland ee u dhaxeeyay Al shabab iyo Puntland loo baahan yahay in si wada jir ah la iskaga kaashado.

Waxa uu tilmaamay in dhibaatadan ay ka dambeyso iyadoo weli Baarlamaanka Soomaaliya uusan ansixin sharciga la dagaalanka Argagixisada kaas oo uu sheegay in hadii la ansixiyo wax badan ay iska badali doonaan weerarada Al Shabaab.

- Advertisement -

Al Shabaab ayuu sheegay in ay ka fa’ideysanayaan is qabqabsiga dhinaca qabaa’ilada iyo qilaafka u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Puntland ee ku saleysan nooca doorashada 2016 balse waxa uu carabka ku dhiftay in taasi ay dhibaato horle keeni karto.

Ugu dambeyn waxa uu tilmaamay arintan ay saameyn doonto  doorashada 2016 haddii aan si wada jir ah wax looga qaban.

 

Latest stories