HomeWararMadaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Burundi oo ka wada hadley xoojinta xiriirka...

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Burundi oo ka wada hadley xoojinta xiriirka labada waddan

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Muqdisho, 16 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee Jamhuuriyadda Burundi, Gaston Sindimwo oo maanta booqasho laba maalmood qaadaneysa ku yimid dalka. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay doorka naf-hurnimo ee dowladda Burundi ay ka qaadaneyso sidii nabad waarta Soomaaliya loogu […]

- Advertisement -

Muqdisho, 16 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee Jamhuuriyadda Burundi, Gaston Sindimwo oo maanta booqasho laba maalmood qaadaneysa ku yimid dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay doorka naf-hurnimo ee dowladda Burundi ay ka qaadaneyso sidii nabad waarta Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa, isagoo dhanka kalena xusay in labada dal ay dhinacyo badan iska kaashan karaan.

- Advertisement -

“Burundi waa dal aanu walaalo nahay oo taageerada ay ina siiyeen qeyb ka noqon doonta taariikhda Soomaaliya. Dib u soo kabashada Soomaaliya Burundi kaalin weyn ayay ka qaadatey, waxaana rajeynayaa inaan ka wada shaqeyn doono iskaashi buuxa oo labada dal dhex mara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay kalsooni ku qabto hoggaanka dalka Burundi iyo shacabkiisa inay xalin karaan xurguftii yareyd ee dhinaca siyaasadda ee dhowaan Burundi ka dhacdey, Soomaaliyana ay taageersan tahay mowqfika Burundi ee xalinta xurguftaasi.

Madaxweyne Ku Xigeenka Burundi Mr Sindimwo, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay soo dhoweynta diiran ee loogu sameeyay caasimada Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in booqashadiisa ay la xiriirto martiqaad horey ay ugu fidiyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya.

- Advertisement -

“Waxaa ugu weyn ujeeddada booqashadeena waa sidii loo dhisi lahaa guddi labada dal ka socda oo hawshoodu noqon doonto fulinta heshiisyadii labada dal ay horey ugu gaareen Bujumbura, markii uu ina soo booqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Waxaana ka wada shaqeyn doonaa sidii labada dal ay wadajir argagixisada uga tirtiri lahaayeen qaaradda Afrika’’.

Heshiisyada ay labada dhinac gaareen ee la doonayo in la fuliyo ayaa waxaa ka mid ah gaashaandhigga, kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, beeraha, ganacsiga iyo in xogta dhinaca amniga la is weydaarsado.

Wafdiga Burundi ayaa sidoo kale sheegay in Kuliyadda Ciidammada ee Burundi oo lagu tababaro ciidammada milatariga iyo kuwa booliska uu soo dhoweynayo inuu fursado waxbarasho u fidiyo ciidammada Soomaaliya.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka- Jiir, Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Axmed Cali Kadiye iyo xubno kale oo ka socday labada dal.

Intaanu Madaxweynaha la kulmin, ayaa wafdiga Madaxweyne Ku Xigeenka Burundi Mr Gaston Sindimwo waxaa ay wadahadal la yeesheen Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkaasi ayaa labada dhinac ay isku afgarteen xoojinta iskaashiga labada dal.

BURINDI6 BURINDI4 BURINDI3 BURUNDI 7 BURUNDI 9 BURUNDI2 BURUNDI1 BURUNDI5 BURUNDI8

————–DHAMMAAD——–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories