HomeWararShirweynaha Ganacsiga Somalia iyo Talyaaniga oo lagu wado inuu ka furmo Rooma.

Shirweynaha Ganacsiga Somalia iyo Talyaaniga oo lagu wado inuu ka furmo Rooma.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome waxaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo Shirweyne looga hadlayo Ganacsiga Somalia “A Business Forum on Somalia”. Ra’isul-wasaarayaasha Somalia iyo Talyaaniga, Cumar C/rashiid iyo Matteo Renzi ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Furitaanka Shirkaasi oo ay Dowladda Talyaaniga qabanqaabisay, waana Kulankii ugu horreeyey ee ay Dowladda Talyaaniga u qabanqaabiso […]

- Advertisement -

Caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome waxaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo Shirweyne looga hadlayo Ganacsiga Somalia “A Business Forum on Somalia”.

Ra’isul-wasaarayaasha Somalia iyo Talyaaniga, Cumar C/rashiid iyo Matteo Renzi ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Furitaanka Shirkaasi oo ay Dowladda Talyaaniga qabanqaabisay, waana Kulankii ugu horreeyey ee ay Dowladda Talyaaniga u qabanqaabiso Horumarinta Ganacsiga Somalia.

- Advertisement -

Ka hor burburkii Dowladdii Kacaanka waxa uu dalka Talyaaniga ganacsi xooggan ku lahaa Somalia, iyadoo dalkaasi loo dhoofin jirey Badeecado kala duwan oo ay ugu horreeyeen Dalagyadda Mooska iyo Khudaarta kale.

Waxaana jirta Shirkaddii SOMALITA oo ay Labada Dowladood isku dhaafsan jireen Ganacsiyadda kala duwan, oo ay ku jiraan Gaadiidka waa weyn, kuwa yaryar iyo Cgaafcagafyadda Beeraha.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaniga, Paolo Gentiloni oo bishii hore ee Federaayo 22-da ka qeyb galay Shirkii Arrimaha Somalia ee lagu qabtay magaalladda Istaanbuul ee dalka Turkiga ayaa shaaciyey inay Dowladiisa qabanqaabinayso Shirweyne looga hadlayo Ganacsiga Somalia.

- Advertisement -

Wasiirka waxaa kaloo uu tilmaamay inay Dowladiisa taageero ka geystaan Hawlaha Samafalka iyo Soo-celinta Nabadda Somalia, wuxuuna tilmaamay inay Somalia sannadkan u qoondeeyeen lacag dhan 20-million oo Euro, iyadoo 14 million loo adeegsadanayo Horumarinta Hawlaha Samafalka, halka 6 million oo kalena loo qoondeeyey Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Shirweynaha maanta ka furmayo magaalladda Rome waxa uu ku soo aaday iyadoo uu Madaxweynaha dalka Talyaaniga, Sergio Mattarella uu booqasho dhowr maalmood ah ku joogo caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, waxaana la sheegay qorshaha Safarka Madaxweynaha inaysan qeyb ka ahayn inuu booqasho ku yimaado caasimadda dalka Somalia ee Muqdisho.

©Radio Dalsan

Latest stories